Wafdi ka socda guddiga maamul u samaynta Jubooyinka iyo Duqa Garisa oo gaaray Garoowe

January 21, 2013 - Written by

GaroweGaalkacyo:-Waxaa maalmahaan ku sugnaa deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wafdi balaaran oo ka tirsan guddiga maamul u samaynta gobalada Jubooyinka iyo Duqa magaalada Gaarisa Ismaaciil Maxamed  ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliinta gobalka Mudug ee Puntland.

Wafdigan ayaa ku sugnaa  laba maalmood magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay masuuliinta gobalka iyo kan Degmada magaalada Gaalkacyo ,waxgarad iyo Isimo si weyn looga yaqaan Puntland.

Wafdigani ayaa saaka ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo waxaana ay galabta  soo gaareen  magaalada Garoowe  ee xarunta dowlada Puntland waxaana halkaas ku soo dhaweeyey dadweyne iyo maamulka gobolka iyo kan degmada magaalada Garoowe .

Wafdiga ka socda maamul u samaynta Jubooyinka iyo Duqa Garisa Ismail Maxamed Garaad ayaa sheegay in ay wadatashi la yeelan doonaan madaxda Puntland waxaana uu sheegay Duqa Degmada Garisa in la mataaneyn doono magaalooyinka Garoowe iyo Garisa.

Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wafdiga soo gaaray Puntland waxaana uu sheegay in ay ka wadahadli doonaan arimo kala duwan.

M_M_ Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online