Wafdi ka socda Jubooyinka iyo Gaarisa oo la kulmay maamulka degmada Bosaaso

January 26, 2013 - Written by

gudoomiyeBoosaaso:-Wafdi uu hogaaminayo duqa magaalada Gaarisa Ismaaciil Cabdi Garaad iyo gudoomiyaha odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubooyinka Khaliif Guure Cali ayaa maanta magaalada Bosaaso waxay kulan kula qaateen duqa magaalada Bosaaso iyo masuuliyiinta kale waxaana ay sidoo kale la kulmeen Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha dowladda Puntland Siciid Xuseen Ciid.

Kulanka dhexmaray wafdiga uu hogaaminayo gudoomiyaha odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubooyinka Khaliif Guure Cali iyo Duqa Degmada Gaarisa  Ismaaciil Cabdi Garaad ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta rugta ganacisga iyo warshadaha dowladda Puntland ee magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana ay ka wada hadleen sidii dowladda Puntland ay uga qaybqaadan lahayd dhismaha Maamul gobaleedka J/land , iyo qaabkii loo mataaneyn lahaa ganacsiga Degmada Gaarisa iyo Boosaaso.

Duqa Degmada Gaarisa Ismaaciil Cabdi Garaad oo la hadlay saxaafada markii uu soo idlaaday kulankii ay la qaateen masuuliinta magaalada Boosaaso ayaa  sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay  socdaalka uu ku yimid Puntland waxaana uu mahad balaaran u celiyey masuuliinta iyo waxgaradka ku soo dhaweeyey magaalada Boosaaso.

no images were found

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubooyinka Khaliif Guure Cali ayaa sidoo kale u mahad celiyey masuuliinta magaalada Boosaaso iyo Isimada ku soo dhaweeyey magaalada Boosaaso .

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid ayaa sidoo kale la hadlay saxaafada waxaana uu sheegay kulanka in la isku afgartay dhamaan qodobadii laga wadahadlay wuxuuna sheegay in ay booqan doonaan magaalada Gaarisa si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac.

Wafdi uu hogaaminayo duqa magaalada Gaarisa Ismaaciil Cabdi Garaad iyo gudoomiyaha odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubooyinka Khaliif Guure Cali ayaa waxaa la filayaa in ay caawa kulan la qaataan Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online