Wafdi Wasiiro ah oo ka tirsan Puntland oo gaaray Gobalka Sanaag

January 27, 2013 - Written by

baranBoosaaso:-Waxaa saaka ka ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari wafdi wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Puntland kuwaas oo u baqoolay gobalka Sanaag gaar ahaan Degmada Baran waxaana wafdiga ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Cabdi Jamal, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Abshir Saciid Farax, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta C/raxman Cabdi Ismaciil, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada, Maxmed C/laahi Botaan ,Wasiiru-dowlaha Amniga Madaxtooyada, Maxamad Maxamuud Cali
Wafdigan ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliya Waxgarad iyo Nabadoono ka soo jeeda gobalka Sanaag waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay ka soo furaan magaalada Baran Xafiiska Ururu Siyaasadeedka Horseed.

Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon oo wareysi gaar ah siiyey saxaafada ka howlgasha Puntland ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan hanaanka xisbiyada badan ee ka hanaqaaday Puntland iyo in Xafiisdka xisbi siyaasdeedka ee Horseed uu xarun ka furto Degmada Baran.

Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada amaanka ee gobalka Sanaag waxaana uu sheegay in aad u wanaagsan tahay waxaana uu sheegay in shacabka gobalka Sanaag ay taageero u hayaan xisbi Siyaasadeedka Horseed oo uu gudoomiye ku meel gaar ah u yahay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online