Wafdigii culumada ahaa oo booqday degmada Xarfo(Masawiro)

January 31, 2013 - Written by

dugsiga_sareXarfo:-Waxaa soo gaaray magaalada xarfo wafdigii culumada ahaa ee  uu hogaaminayey Sh. Axmed C/samad 24-01-13, halkaana waxaaa ku soo dhaweeyey gudoomiyaha degmada C/laahi Faarax Bayle, Sh. C/qaadir Cumar Awdheere iyo Sh. Axmed Maxamed Guuleed. Ka dib culumadu waxay booqdeen dugsiga Daarul Qur’ aan oo ay dhigtaan 370 arday, waxaana ardayda kalimad wacdi iyo dhiirrigalin ah u soo jeediyey Sheekh Xabiib C/qaadir.

Culumadu waxay xarunta degmada kulan kula qaateen maamulka degmada oo ay hormuud u ahaayeen duqa magaalada C/laahi Faarax Bayle, kuxigeenkiisa Cabdi Cilmi Calas iyo xoghayaha dowladda hoose C/salaam Siciid Ciise, waxayna ka dhagaysteen duqa iyo ku xigeenkiisa warbixin ku saabsan horumarka iyo waxqabadka degmada, waxyaabaha ay hiigsanayaan iyo caqabadaha hortaagan oo ay u baahanyihiin in wax lagala qabto.

Ka dib culumadu waxay maamulka degmada u soo jeediyeen talooyin ay ka mid ahaayeen: inay dareemaan xilka weyn ee ka saaran dacwada iyo barashada diinta, ka shaqaynta danaha bulshada gaar ahaan xoojinta waxbarashada, waxayna ku boorriyeen inay iyagu maamul ahaan noqdaan kuwo isku kalsoon, iskuna duuban, dadkoodana walaaleeya, kana fogeeya qabyaaladda iyo kala qoqobka. Taas oo ah waddada lagu gaarayo horumar adduun iyo badbaado aakhiro.

Culumada oo ay weheliyaan ducaadda magaalada waxay booqdeen xarunta waxbarashada gabdhaha, waxayna kalimado isugu jira waano, wacyigalin iyo dhiirrigalin u soo jeediyeen ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee xarunta wax ka barta, ka dibna waxay dumarka muxaadaro ugu jeediyeen xarunta Daarul Qur’aanka, waxayna kala hadleen waxbarashada diimeed, dacwada iyo isu kaashigeeda, walaalnimada islaamka iyo ka dheeraanshaha qabyaaladda iwm oo muslimiinta kala geynaya.

no images were found

Dabadeed culumadu waxay la kulmeen ducaadda iyo odayaasha dacwada degmada Xarfo, kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen Sh. C/qaadir Cumar Awdheere, Sh. Axmed Maxamed Guuleed, Nabadoon Xasan Macalin Daahir, Macalin C/rashiid Sh. Maxamuud iyo Macalin C/nuur Jaamac Xirsi, waxayna labada dhinac is dhaafsadeen warbixino iyo talooyin wax ku ool ah, culumaduna waxay aad ugu dhiirrigaliyeen ducaadda magaalada sabarka iyo dareenka xilka weyn ee ay ummadda u hayaan, waxayna ugu bishaareeyeen inay guulaysan doonaan inta ay dadaalkaas wadaan iyaga oo isku duuban, Ilaahayna kaashanaya.

Culumada intii ay magaalada joogeen waxay soo booqdeen dhismaha dugsiga sare oo jaaliyadda deegaanka xarfo ay dhismihiisa maalgaliyeen, meel fiicana maraya.

Sheekh C/qaadir ayaa culumada quraac sharaf gurigiisa ugu sameeyey, ka dibna wuu sii sagootiyey, wuxuuna kala qaybgalay booqashadii ay ku tageen magaalada Bacaadweyn oo uu Sh. C/qaadir horay uga soo furay Daarul Qur’aan.

Halgan.net
Xarfo

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online