Culumo Socdaal dacwadeed ku tagay degmada Burtinle

January 30, 2013 - Written by

Garoowe:-Galabnimadii 22/01/13 ayay culumadu soo gaareen magaalada Buurtinle, waxaana soo dhaweeyey Shiikh. C/risaaq Warsame Guure, ka dibna waxay booqasho ku soo mareen Mac-hadka diiniga ah ee Alhidaaya oo leh heer dugsi sare iyo dugsi dhexe, Maamulaha Mac-hadka Shiikh. C/fataax C/laahi Daahir (Muqdishaawi) ayaa wafdiga soo dhaweeyey, wuxuuna siiyey warbixin, ka dibna waxay kormeereen qayb ka mid ah ardayda mac-hadka oo imtixaankii teeramka ku jirta. Culumadu waxay kale oo booqdeen Madrasada Cumar Ibnu Alkhadhaab oo isugu jirta xifdiga Qur’aanka, waxbarashada aasaasiga ah, qeyb jiif ah iyo masjid. Waxaa kale oo culumadu booqdeen dugsiga H/dhexe ee Alshaafici iyo daarul-Qur’aanka magaalada.

Culumadu intii ay magaalada joogeen waxay masjidka weyn ee Abuubakar ka jeediyeen muxaadarooyin is dabajooga ah, waxaana ka mid ahaa: walaalnimada islaamka, nuxurka siirada nabigeena, akhlaaqda wanaagsan iyo xijaabka islaamka iyo fududeeya oo ha cuslaynina. Culumadu waxay kale oo salaadaha ka dib kalimado koob kooban ka soo jeediyeen qaar ka mida masaajidda magaalada. Waxaa kale oo culumadu muxaadarooyin u soo jeediyeen ardayda dugsiga sare ee Buurtinle iyo ardayda dugsiga H/dhexe.

Arrimaha ugu waaweyn oo ay xoogga saareena waxaa ka mid ahaa: barashada diinta, ku dhaqankeeda, akhlaaqda wanaagsan, sare u qaadista aqoonta iyo wacyiga ardayda, dacwada, ka dheeraanshaha qabyaaladda iwm. Culumadu waxay warbixino ka qaateen maamulayaasha dugsiyada sare iyo H/dhexe.

Wafdigu wuxuu kulan la yeeshay culumada iyo ducaadda magaalada, wuxuuna ku boorriyey dardargalinta dacwada iyo faafinta cilmiga. Wuxuu kaloo la kulmay dhallinyarada wax ka barata macaahida iyo madaarista magaalada, wuxuuna ku boorriyey inay ku dadaalaan barashada diinta, ku dhaqankeeda, walaalnimada iyo isu kaashiga khayrka.

Waxaa kale oo wafdigu xarunta degmada kula kulmay maamulka degmada, culumada, odayaasha iyo waxgaradka, wuxuuna kala hadlay qaadista xilka diinta iyo ummadda, in la xoojiyo waxbarashada, in lagu walaaloobo diinta, lana joojiyo qabyaaladda iyo loolanka ummadda dhexdeeda ah, in si wadajir ah la isugu kaashado hirgalinta danta guud iyo islaaxinta bulshada. Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiyaha degmada Faarax maxamuud ( Faarax salwe), ku xigeenkiisa Cali Geelle Maxamed Kaneec, taliyaha booliska degmada, xoghayaha dowladda hoose, nabadoono, culumo, ganacsato iyo waxgarad kale waxaa aad loogu mahad celiyey wafdiga culumada, waxaana shirka lagu guddoonsaday in loo wada istaago, la isuna kaashado dacwada, waxbarashada, wacyigalinta bulshada iyo horumarinta degmada, iyo in lala diriro qabyaaladda iyo iskala qoqobidda.

Wafdiga maalinimadii 23/01/13 waxaa qado sharaf gurigiisa ugu sameeyey C/risaaq Warsame Guure oo ka mida ganacsatada iyo waxgaradka magaalada, kaalin weyna ka qaatay isku xirka iyo fududaynta hawlihii dacwo iyo wacyigalineed ee culumadu qabteen.

 Waxaa xusid mudan in magaalada Buurtinle ay tahay magaalada labaad ee ugu ballaaran, uguna dadka badan magaalooyinka gobolka Nugaal, isla markaasna ay ka jiraan macaahid diini ah oo leh heerar kala duwan, sida Mac-hadka Alhidaaya ee culuumta shareecada iyo luqada carabiga iyo mac-hadka Almuntada oo labaduba ah heer dugsi sare, iyo xarunta waxbarashada Cumar ibnu Alkhattaab iyo mad rasada Imaamu shaafici oo ah heer dugsi dhexe. Waxaa intaa dheer Daarul-Qur’aan. Waxaa kale oo ka furan dugsiga sare ee Buurtinle iyo dugsiga H/dhexe ee Buurtinle, sidaas oo ay tahay ardayda magaalada wax ka barata way tiro yar tahay marka loo eego tirada dadka magaalada degan sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in la isu kaashado sidii loo hormarin lahaa waxbarashada diimeed iyo tan adduun ee magaalada Buurtinle, ayna ka qeybqaataan maamulka, maalqabeenka, hay’adaha samafalka, jaaliyadaha dibadda iyo dhammaan bulshada deegaanku.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online