Wararkii ugu dambeeyey Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi (Warbixin)

January 3, 2013 - Written by

Nairobi:-Xaafadda Islii ee Soomaalida dalka Kenya ku nool ugu badan yihiin, ayaa dadka ku nool xaaladdoodu ka sii dareysaa marba marka ka dambeysa.

Culeys aad u badan, ayaa weli saaran dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kaasoo ay kala kulmayaan ciidamada Kenya qeybahooda kala duwan, iyadoona dadka loola dhaqmayo qaab ka baxsan biniaadannimada.

Ciidamada koofiyad casta ah ee loo yaqaano JSU, ayaa ilaa shalay dadka ugu galayey guryahooda, waxaana ay ka qaadanayeen lacago badan, wixii ay lacag ka waayaan ama inta ay doonayaan kaga yareysana gawaari ayey ku qaadanayeen, howlgalladaasna waa soconayaan ilaa iyo hadda.

Dhacdooyinka la yaabka leh ee dhacay ayaa waxaa ka mid ah: in dad lacag laga qaatay oo la soo daayey haddana intii ay dhexda soo socdeen la qabtay haddana lagu khasbay in lacago dheeraad ah ay bixiyaan, waxaana jirta in askarta Kenya ay u dhaqmayaan qaab bahalnimo ah oo aan la qeexi karin.

Waxaa jira dadaallo ay wadaan guddiga ganacsatada iyo culimo udiinka, kuwaasoo weli miro dhal aan noqonin, walow rajo la muujinayo, balse  dadka xaafadda Islii meel walba waxay kula kulmayaan ciidan lacago xooga uga qaadanaya, kuwaasoo aan looga baxsaneyn daruiiq meherad iyo deeagaan la deggen yahay.

Wixii soo kordha boggan ayaa idin soo gudbin doona haddii Illaahay idmo.

Halgan.net/Somalireal

1 Comment so far

Leave a comment

  1. illaahayow muslimiinta kaqabo gaalada,oo nasri dagdag ah sii.amiiiin

Leave a comment

*