Wasiirka amniga ee Puntland waa difaacaynaa jiritaanka iyo Midnimada Puntlland

January 7, 2013 - Written by

Wasiirka amniga ee Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa dhawaan waxaa uu ku qabtay shir jaraa’id Hotel Pano Rama  ee  magaalada Boosaas isagoo shirkiisa jaraa’id uga hadlay xaalada siyaasadeed ee ka jirta Puntlland waxaan uu dhaleecayn u soo jeediyey kooxo uu ugu yeeray qaswadayaal oo gacan saar la leh ururka Al-shabaab iyo argagixisada caalamiga.

Wasiirka amniga ee Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay ka hortagi doonaa cid walba oo isku dayda in ay khalkhal galiyaan amaanka Puntlland una aqoonsan doonaa kuwa gacan saar la leh kooxda ururka Al-shabaab, wasiirka amniga ayaa ku celceliyey in ay difaaci doonaa jiritaanka iyo midnimada Puntlland.

Wasiirka amniga ee Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan  ayaa sidoo kale sheegay in dowlladu ay masuul ka tahay nabadgelyada iyo sugida amaanka degaanada Puntllad qofna aysan mari uga ahayn howsha loo igmaday iyo weliba Shareecada Islaamka maadaama ay dadka iyo dalka Soomaaliya ay yihiin Muslimiin.

Shirka Jaraa’id ee Wasiirka amniga ee Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan  ayaa ku soo beegmay ka dib markii saaka lagu arkay xarumaha dowllada iyo goobo kale duwan o ka tirsan Boosaaso iyo Gobolka Sanaag ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta , ciidanka Badda oo aad u hubeysan.

 Dib ayaan dinkaga soo gudbin doonaa shirka Jaraa’id ee Wasiirka amniga ee Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online