Wasiiro ka tirsan Dowlada Kenya oo ku goodiyey in ay xilka iska casili doonaan

January 7, 2013 - Written by

Nairobi:-Labo wasiir oo ka tirsan dowlada Kenya ayaa ku goodiyey in ay xilkooda iska casili doonaan hadaan ciidanka Booliska ee Kenya uusan joojin dhibaatada uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Wasiirka G/dhiga ee dowlada Kenya Yuusuf Xaaji iyo wasiirka horumarinta ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya Maxamed  Cilmi ayaa ku eedeeyay ciidanka ammaanka ee dowlada Kenya in ay dhac iyo dhibaato baahsan u geysteen shacabka Soomaaliyeed ee  ku dhaqan xaafada Islii  waxayna fariin u direen taliyaha ugu sareeya ciidanka Booliska ee dalka Kenya.

Labada Wasiir oo ka tirsan dowlada Kenya ayaa maalintii Jimcaha waxay kulan la qaateen Ganacsatada iyo waxgaradka degan xaafada Islii kuwaas oo cabashooyin badan u gudbiyey labada wasiir kuwaas oo ay ka mid yihiin dhac.kufsi ,boob iyo xarig sharci daro ah.

Dowlada Kenya ayaan ilaa haatan wax war ah ka soo saarin cabashooyin ay soo jeediyeen shacabka ku dhaqan xaafada Islii iyo goodiga wasiirada ka tirsan xukuumada Kenya.

A/cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online