Xaflad lagu xusayo Sanad guuradii 4aad ee Xukuumada Puntland oo lagu qabtay Boosaaso.

January 8, 2013 - Written by

Boosaaso:-Waxaa caawa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari xaflad lagu maamuusayo 4-sanno guuradii ka soo wareegtay markii hogaanka Puntland loogu doortay madaxweyna Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole & ku xigeenkiisa Gen Cabdisamed Cali Shire .

Munaasabada lagu xusayo  4-sanno guuradii ka soo wareegtay markii hogaanka Puntland loogu doortay madaxweye Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxaa caawa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee xukuumada Puntland ,Isimo,Nabadoono,iyo waxgarad si weyn looga yaqaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari iyo marti sharaf kale oo badan.

Munaasabada lagu xusayo markii talada Puntland uu qabtay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey Garaad Cabdulaahi Cali Ciid,Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin,Beeldaaje Cali Faarax,Beeldaaje Ismaaciil .

Amaanka guud ee deegaanada Puntland ayaa degan waxaana caawa magaalada Boosaaso aad loo adkeeyey amaankeeda waxaana magaalada gaafwareegaya ciidamo raxan raxan u socda .

Siyaasiyiin xilal Wasiir ka soo qabtay Puntland haatana Mucaarad ku ah sanadka ay dowlada Puntland ku doodeyso in uu sharci yahay ayaa caawa la hadlay qaar ka mid ah idaacadaha FM ka ee ka howlgala deegaanada Puntland waxayna sheegeen in xukuumada Puntland waktigeeda uu dhamaaday .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online