Xeerka iyo Anshaxa Ururrada Siyaasadda oo ay saxiixeen 6-da urur ee Puntlland.[sawiro]

January 31, 2013 - Written by

2Garoowe:-Waxaa maanta ka dhacay xarunta cilmi barista ee PDRC ee magaalada Garoowe kulan ay iskugu yimaadeen 6-da urur siyaasadeed ee kala ah HORSEED MIDNIMO, UDAD,HORCAD. WADAJIR  iyo PDP waxaan ay si wada jir ah u wada saxiixeen xeerka habdhaqanka anshaxa ururrada oo ay soo diyaariyeen gudiga doorashooyinka ee dowllada Puntlland.

Ugu horayntii ayaa madasha shirka waxaa hadal ka jeediyey  guddoomiyaha gudiga doorashooyinka dowllada Puntlland Dr.Maxamed Xasan Bare  oo sheegay in u jeedada shirka ay u qabteen ururrada siyaasadeed ee Puntlland ay ahayd in la wada saxiixo xeerka habdhaqanka anshaxa ururada si looga fogaado is qab qabsi siyaasadeed looguna gudbo hormar  dhinac siyaasad.

no images were found

Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntlland Dr.Maxamed Xasan Barre  ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay ka dhici doonta degaanada Puntlland doorashooyinkii dowladaha hoose ururkastana looga baahan yahay in uu soo diiwaan geliyeyo ilaa 330 qof  waxaan ay diiwaan gelintu ay si dhab ah u bilaabanaysaa  5ta- bisha February ilaa 9 bisha  February  lagan doonayo in urur walba uu xaq dhowro waqtiga iyo sharciga.

Gudiga Doorashooyinkana Puntlland ayaa sheegay in ururada siyaasadeed ee ka jira Puntlland ay mar hore u direen qoraalka ku saabsan xeerka habdhaqanka anshaxa ururrada taas oo u jeedadu ahayd in urur walba uu soo gudbiyo cabashadiisa inta uusan dhicin kulanka maanta ka dhacay Garoowe oo ururrada oo dhan ay saxiixeen xeerka habdhaqanka anshaxa ururrada oo ay soo diyaarin toodu ay lahaayeen gudiga doorashooyinka Puntlland.

Dr Saadiq Eenow oo ah Guddoomiyaha ku meel gaarka ee Xisbiga mucaaradka ee Midnimo oo isagan goobta ka hadlay ayaa u soo jeediyey  gudiga doorashooyinka Puntlland in ay dhexdhexaad ka noqdaan howsha loo egmada kana fogaadaan  wax is dabamarin si loogu jeesto horumar laga gaaro dhinac siyaasada. Sidoo kale  Guddoomiyaha Ururka maacaaradka UDAD oo isagana goobta ka hadlay ayaa ka digay in dhaqaalaha dowllada loo is ticmaalo  olalaha doorashooyinka isagoo ku booriyey in hantida qaranka laga fogaado urut walbana uu isagu isku filnaan gaaro.

Madaxda kale ee HORCAD. WADAJIR  iyo PDP ayaa iyagana ka digay wax kasta oo abuuri kara jahwareer siyaasadeed iyo is qabqabsi dhinac sharciga iyo xeerarka taas oo abuuri karta nabadgelyo xumo iyo kalsooni daro ka dhex abuuran tahay ururada Siyaasada iyo madxad  Gudiga Doorashooyinkana Puntlland  ee uu Guddoomiyaha u yahay Dr.Maxamed Xasan Barre.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online