Abwaan Jaabir Gacayte oo suuqaan ku cabiray dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Dhageyso)

February 21, 2013 - Written by

maqaal-jhMuqdisho:-Abwaan Jaabir Gacayte ayaa waxaa uu suugaan ku cabiray dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah kaas oo ay Al-Shabaab ku dileen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

Hoos ka Akhriso kana Dhageyso Gabaygii la magacbaxay Culimo laynteed iyo Abwaan Jaabir Gacayte

Cabdoow gabayga waataanan curin dayrta maantaa’e

Cajab weeye suuggaantu hayday ciiro-leedahaye

Caanahaba lamadhameen hadaan culaygu xoorayne

Oo aan catirtiyo horayn cadarka maygaagu

Haruubkuna cadaan’iyo lahayn ceebtii baalida’e

Ama gaawe ceegaaginoo caraftii doomaarleh

Hadayse caradu dheelisoo  calafka loodiido

Cishadaa qofkii doonayoow celi humaagaaga

Maantana cadceedoo baraa mugdiga lala ciriiryoone

Casarbaanu joognaa hadana waa cawoo kale’e

Gudcurbaa cufmoo indhaha caad naloo saarye

Baladkoo camiran dulmiga lala caraabaayo

Xaajadii cakirantaa raggbay cirib guraysaaye

Cisigeeda maansada raggii curiyay baabkeeda

Aan u celiyo ninmankii cabiray gabayga caynkiisa

Cali-guraan dhankiis ahoo raagaa cududay’ah

Cali-dhuuxba caarifbuu ahaa curadadii maanso

Sayidkii cimaamaday jihaad calanka tawxiidka

Cartankii qamaan ahaa cawaansi waydiisto

Ciiliyo ma aan qabeen haday caawa noolyiine

Waxse caynka iigu wacan Culimo layteede

Aan cadeeyo baalkaan madoow caafir baan ahaye

Cabdulqadir nimankii dilee cunay ditoorkiina

Nimankaan cirooliyo aqoon cilimo duubwaynta

Nimankii carruuraha dagee laba codlaynaayay

Nimankii cadaystee dulmiga nagu cabsiinaayay

Nimankii cududaha jaree cishaba qoorgooyay

Nimankii cataatiqaha ka dhigay curadadii hooyo

Nimankii cismaan qalee waliba cay- dhaanshay

Nimankii cali dilee iblays daba caraabaayay

Cindigooda nimankuu kujiro cilmi suuliya’e

Hadaynaan calooshiyo kajarin cifo islaameedka

Amaynaan caaridayn camal xumaantooda

Carro Aloo timaadiyo cirkaa danabyo sootuuri

Alahayoow waan caaridnee adigu noo caymi

Alahayoow adaa caasiga qabtee adigu noo caymi

Alahayoow adaa caad rogee adigu noo caymi

Alahayoow culimadii qashee adigu noo caymi

Boqoroow adaa caadilee adigu noo caymi

Abwaan Jaabir Gacayte
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online