Banaanbax ka dhacay magaalada Boosaaso iyo dhalinyaro caawa lagu xiray magaalada

February 8, 2013 - Written by

banaanbaxBoosaaso:-Banaanbax ay ka qeybqaateen dhalinyarada magaalada Boosaaso oo lagu diidan yahay Maamulka uu madaxa ka ayahay Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta  gobolka Bari.

Banaanbaxa ayaa waxaa uu ahaa mid si nabad ah ku dhacay waxaana ciidamada amaanka ay hareeraha ka socdeen dhalinyarada banaanbaxa dhigayey kuwaas oo watay boorar ay ku qoron yihiin erayo lid ku ah Maamulka Puntland iyaga oo ka cabanayey sanadka ay xukuumada Puntland sheegtay in uu sharci yahay .

Axmed Maxamed Yuusuf (Taran) oo ka mid ah mas’uuliyiintii soo qaban-qaabiyay Banaanbaxa ayaa uga waramay idaacada VOA wuxuuna sheegay in ay  diidan yihiin halka sano oo ay xukuumada kororsatay wuxuuna sheegay in banaanbaxa uu u  dhacay si nabada ah.

Wararka caawa soo gaaraya Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ay caawa howlgalo ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafada magaalada Boosaaso iyaga oo xiray dhalinyaro ay ku eedeeyeen in ay banaanbaxa soo abaabuleen lidna ku yihiin amaanka magaalada Boosaaso.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online