Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo ururka Al-shabaab oo ka dhici doona Garoowe

February 24, 2013 - Written by

banaanbaxGaroowe:-Waxaa la filayaa in magaalada garoowe uu ka dhaco banaanbax weyn oo looga soo horjeedo ururka Al-shabaab oo Jimcihii la soo dhaafay ku dilay magaalada Garoowe xili uu gaar ahaan masjidka Badar xili uu salaad Casar tukanyey Sh. Cabduqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee, qaban qaabada Banaanbaxaan weyn ayaa waxaa wada bulshada noocyadeeda kale duwan iyadoo culimaduna ay ka hadleen Masaajida iyo koobaha kale duwan.

Banaanbax oo noqon doona mid weyn ayaa waxaa la filayaa in ay ka hadli doonaa culimada waaweyn ee ku nool Garoowe  iyo ducaad fara badan oo iyagu hadda ku mashuulsan siddii looga hortagi lahaa falalka guracan ee ay kooxada Al-shabaab ay ku doonayso in umada ay ka laayan haldoorka uguna horeeyaan culimada xanbaarsan diinta islaamka. Banaanbax ayaa waxaa la filayaa in uu ku sii fidi doono Gobollada dalka Soomaaliya taas oo ay ugu wacan tahay culimada oo wada wacyi geli ay uga hadlayaan kooxda ururka Al-shabaab iyo falalka guracan oo ay kula kacayaan bulshad qaybaheeda kala duwan.

Banaanbaxyadaan ayaa waxaa ay hordhac u yihiin shir ay culimadu qaban doonaa oo Fatwo uga soo saari doonaa in meel looga soo wada jeesto ururka Al-shabaab taas oo noqonaysa markii ugu horaysay oo culimada dalka Soomaaliya ay soo saaraan Fatwo  diini ah oo looga hortagayo koox hubaysan oo dhinac martay Manhajkii toosnaa ee Ahlusunaha.

Banaaanbax iyo qaabka uu dhaco ayaan dib idinkaga soo gudbin doonaa insha allaahu

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online