Banaanbixii maanta ka dhacay Garoowe oo culimadu ku baaqday in loo aargdo Sh C/qaadir Nuur Faarax.[Dhageyso]

February 25, 2013 - Written by

IMG_0218Garoowe:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe Banaanbax looga soo horjeedo Ururka Al-Shabaab waxaana ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo ka kooban qaybaha kale duwan ee bulshada. Dadweynaha maanta ka soo qayb galay banaanbax ayaa waxaa ka mid ahaa ardayda Skuulka, kuwa jaamacadaha , ardayda Macaahida, dhalinyaro, haweenka. Hadalka ugu horeeyey ayaa waxaa qaatay Sheekh Cabdi Qani Qorane waxaan uu amaan u soo jeediyey geesiyaasha reer magaalada Garoowe ee ku guuleystay in iyagoo faramaran oo aan hubaysanayn ay soo qabtaan dhagar qabihii dilay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax.

Sh. Cabdi Qani Qorane Wuxuu xusay in isu soo baxaan taariikhiga ah magaciisu yahay ‘Maalinkii Carada” kaasoo ka dhashay dilkii waxashnimmada ahaa ee Al-Shabab u gaysteen Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax., wuxuuna hoosta ka xarriiqay inuu baal cusub oo taariikheed furmay maanta. Banaanbax saaka ayaa waxaa ka hadlay culimmo uwdiin, Isimo , Abwaano iyo Madaxwaynaha Puntland.C/raxmaan Maxamed Faroole Hadalka ugu horeeyey ayaa waxaa la siiyey Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya ahna Madaxa Jaamacadda Bariga Afrika, faraca Garoowe.

no images were found

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa ugu baaqay dadweynihii ka soo qayb galay banaanbax in ay ka aargutaan ururka Al-shabaab oo uu sheegay in ay duulaan ku yihiin dalka iyo diinta  wax ay u dileen Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax ay tahay xaqii uu sheegayey.Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa xusay in Al-shabaab  ay dadkii muslimiinta ahaa ay kala dagaalameen  cibaadadii alle oo masaajidii xitaa looga tukan waayeyv waajibna ay tahay in si wada jir ah loo laayo maadaama ay yihiin koox maafiyo ah.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf uu ka jeediyey Banaanbixii Garoowe
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/msdr2ipg71/sh_maxmuud.mp3] Ama Halkan MP3

Waxaa kale oo ka hadlay banaanbax Sh Axmed Cabdisamad isagoo wiidiiyey dadkii isku soo baxay  inay diyaar u yihiin inay dagaalka Alshabaab kawada qayb qaataan, dadwaynihii mudaaharaadka ka soo qaybgalay ayaa cod dheer ugu jawaabay HAA. Sh. Axmed ayaa xusay in midnimmada ay reer Garoowe u midoobeen la dagaalanka kooxda Alshabaab ay hordhac u tahay in Soomaali oo dhan ku midowdo la dagaalanka Shabaab. Wuxuuna ku baaqay in Soomaali Islaamnimada ay wada qabsadaan, kuna walaaloobaan, ayna mowqif midaysan ka yeeshaan kooxda lunsan ee ururka Al-shabaab, si wadajir ahna ula dagaalamaan.

Sheekh. Axmed Cabdisamad ayaa xusay in Al-shabaab marka ay jabiyaan loo talaabi doono kuwa cadawga ah ee gadaal ka soo riixaya kuwaas oo u soo dhiibay mashruuca ay ku howl galayaan oo umadii Soomaaliyeed ay haldoorka uga laynayaan.Sheekh Axmed Cabdi samad ayaa reer Garoowe ugu baaqay inay qabtaan shir waxgarad koodu isugu imaanayo oo arintan looga tashanayo, ka dibna shir wayne Soomaaliyeed oo si guud looga arinsanayo hagardaammada Ururka Al-Shabaab loogana gubo.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Sheekh Ahmed Cabdi Samed uu ka jeediyey Banaanbixii Garoowe

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/6n2fcqe05a/sh_ahmed.mp3] ama Halkan Mp3

Waxaa goobta isna ka hadlay Suldaan Garaase oo ka mid ah issimmada ugu caansan Puntland, wuxuuna yiri hadaan nahay reer Puntland gaar ahaan reer Garoowe sida aad ogtihiin dilkii Sh. Cabdulqaadir indhaha ayaa la inaga riday, waxaa qofkasta oo reer Garoowe ah ama reer Puntland waajib inagu ah inaan Sh. Cabdulqaadir u aaro wacadna waxaa uu ku maray in dhiiga Sheekh C/qaadir Nuur uusan noqon doonin biyo.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/z49m30eu5b/sudaan_garaase.mp3] Ama Halkan Mp3

Waxaa shirka soo gabagabeeyey Madaxwaynaha dowllada Puntland Dr. Cabdi raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole) isagoo u mahad celiyey sida isku duub nida leh ee Culimmada iyo shacabku uga qayb qaateen la dagaalanka. Sidii geesiyaashii hareeraha ka raacay oo baacsday gacan ku dhiiglayaashii oo aan ahayn mid iyo labo kuna booriyey inay siiwadaan dadaalkooda. Sidoo kale Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka war bixiyey in dad badan laqabqabtay oo ay ku jiraan kooxdii Sh. Cabdulqaadir dishay iyo dad kale oo konton gaaraya oo lagu tuhunsanyahay inay shirqoolada dadka lagu laayo qayb ka yihiin, kuwaasoo rag iyo dumarba isugu jira.

Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay in dadwaynuhu la shaqeeyaan hay’adaha amniga, soona sheegaan cidkasta oo ay tuhmaan, inaan guri laga kirayn, inaan gaari lagu qaadin cid aan lagaranayn ama aan damiin keensan, iyo inaan laga daba imaan kuwa la qabto Iyo inaan dagaalka ka bilaabayno kuwa guryahagaya ku jira.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole uu ka jeediyey Banaanbixii Garoowe

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/5i00561hc6/faroole.mp3] Ama Halkan Mp3

C/laahi Cawad Muuse oo ka mid Abwaanada sida weyn looga yaqaan deeganada Puntland ayaa banaanbaxa ka jeediyey tix gabay ah isaga oo ugu baaqay dhamaan dadweynaha reer Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan dooxatada Al-Shabaab ee ku dilay gudaha Masjidka Badar Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax.

Hoos Ka Dhageyso Gabaygii uu Banaanbaxa ka jeediyey Abwaan C/laahi Cawad Muuse

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/n2wm26avsy/abwaan.mp3] Ama Halkan Mp3

M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. CIDKASTA OO NAWADA CARQALADEEN KU HAYSA, MEEL HALAGU SOO WADA JEESTO,
    AL SHABAB WAA KHAWARIJIYIIN, HADAAN DHAGARTOODA LAGA DIG TOONAANIN WAA KHATAR WEYN.

Leave a comment

*