Barnaamijka Doodwadaag ee Universal Tv oo looga hadlay dilka Sh C/qaadir Nuur(Daawo)

February 21, 2013 - Written by

UniversalTVLondon:-Barnaamijka Doodwadaag ee Universal Tv ayaa xalay waxaa  looga hadlay dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah kaas oo ay kooxda Al-Shabaab ay ku dileen magaalada Garoowe gaar ahaan Masaajidka Bader xili uu Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ku jiray salaadii casar rakcadii 3aad.

Mujrimiinta soo abaabulay dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax talo ma laga aargudan doonaa mise howsha waxay ku dhamaan doontaa tacsi iyo baroordiiq sidii ay ugu dhamaatay dilkii Sheekh Dr.Ahmed Xaji iyo Sheekh Maxamed Tahliil raximahulaah.

Hoos ka Daawo Barnaamijka Doodwadaag ee xalay Tv Universal waxaa daadihinayey wariye Cawil .


Halgan.net
London

1 Comment so far

Leave a comment

  1. gabaygaan waxaan ka tiriyey dilkii shiikh cabdlqaadir nuur faarax allaha u naxariistee gabaygaan oo aan ku soo koobay ciddii dishay shiikha iyo weliba tabaha ay falayaan oo ah kuwo foolxun ayna tahay in laga haro lalana dagaalamo kuwa ugaarsanaya dadka bulshada qiimaha u leh.
    gabaygina waa kan

    (tee teeda nimankaas caruur toban jirow dhiibi,
    ee tiirka ugu weyn bulshada toogo oranaaya,
    waa niman tubtii toosanayd taako gees maraye,
    turuntureeya waa niman la baray toosise aqoone,
    tooraboora nimankii ka yimid taqida loo haystay,
    in tirtira la yiri diinta baan toos u aragnaaye,
    talaabiibba loogama fekero tabaha qaarkoode,
    taageero ruuxi u hayow taa ka noqo maantay
    taageero kii siin jirow taa ka noqo maantay.)

    tee teedu waa baaskooladaha nooc ka mid ah oo rush ku sameeyey ama germany oo somalida laga isticmaalo.

Leave a comment

*