Ciidamada Amaanka ee magaalada Gaalkacyo oo xalay howlgalo sameeyey

February 6, 2013 - Written by

gaalkcyoGaalkacyo:-Waxaa xalay ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ay sameeyeen howlgalo lagu sugayo amaanka  waxaana howlgaladan lagu soo qabqabtay 200 qof kuwaas oo looga shakisan yahay in ay wax u dhimayaan amaank magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha booliska Puntland ee gobolka Mudug Jaamac Maxamed Sandaqad ayaa saxaafada u sheegay in ay ciidanka amaanka howlgalo ka wadaana qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in baaritaan ka dib la sii daayey dadkii ay xalay qabteen ciidanka Amaanka halka qaarkale la baarayo.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa in mudo ah waxay la daalaadhacayeen in ay sugaan amaanka magaalada Gaalkacyo kana hortagaan kooxaha dilalka qorsheyn ka geysta Puntland kuwaas oo leh  ujeedooyin kala duwan  waxaana magaalada Gaalkacyo lagu dilay dad indho u ahaa magaalada  waxaana ugu danbeeyey alaha u naxariisteen Nabadoon Aadan Faarax Dheere .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online