Ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo oo xabsiga dhigay 50 qof

February 12, 2013 - Written by

Howlgal-BoolisGaalkacyo:-Ciidamada booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa xalay howlgalo ka sameeyey xaafadaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana howlgaladaas ay ku soo qabteen dad badan .

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug G/sare  Jaamac Maxamed Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ay howlgalada ku soo qabteen dad ka badan ilaa 50 qof kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin falal lid ku ah amaanka magaalada Gaalkacyo.

Howlgalada ay xalay ka sameeyeen ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya xili shalay qarax is miidaamin ah lagu weeraray taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee Puntland Jen Muxyaddiin Axmed Muuse waxaana qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray taliyaha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabanaya ciidamada amaanka in marka ay howlgal fulinayaan aysan kala soocin xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo dhalinyarada kale ee magaalada ku sugan .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online