Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan Sh /Dhexe

February 19, 2013 - Written by

AMISOMJowhar:-Ciidamada DFS oo garab ka helaya Ciidamada  AMISOM, ayaa waxay si nabad ah  kula wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ka dib markii ay halkaas isaga baxeen Al-Shabaab.

Daa’uud Xaaji Ciiro  oo ah Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee ee DFS ayaa saaka saxaafada u sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jowhar 00 15Km u jira Degmada Jowhar.

Saraakiisha ciidanka DFS iyo Afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa xaqiijiyey in ay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar waxayna sheegeen in ciidamadooda ay haatan la wareegi rabaan Degmada Mahadaay halkaas oo ay ka baxeen Al-Shabaab. 

Dhanka kale ciidamda DFS oo ay la socdaan kuwa Itoobiya ayaa la wareegay deegaano ka tirsan gobalka Bay waxaana ka mid ah deegaanadaas Makoon, Buulo-barako, xerada ciidanka melatariga ee Manaas  .

Ciidanka Al-Shabaab ayaa haatan isku uruursanaya degmada Diinsooor si ay uga hortagaan duulaanka ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net   

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online