Ciidanka amaanka ee Kismaayo oo gacanta ku dhigay rag bastoolado ku hubeysan

February 19, 2013 - Written by

KismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo ay gacanta ku dhigeen 3dhalinayo oo ku hubeysan Bastoolado ka dib markii dadweynaha ay soo wargaliyeen.

Taliyaha ciidanka amniga ee magaalada Kismaayo Maxamuud Qaalib ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 3dhalinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado kuwaas oo ku sugnaa guri ku yaal xaafada Guulwade waxaana xogtooda soo gudbiyey dadweynaha sida uu saxaafada u sheegay Maxamuud Qaalib.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa shalay lagu dilay askari ka tirsan ciidanka amaanka ee magaalada Kismaayo .

Cabdi Yare
Kismaayo

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Bagah waa in lays ka ilaaliyo oo loo wada jiro tuugada dadka laynayso CID ay dayanyaan am jiro kii la qabto ha la dilo waa kanser daawo ma leh haddii la Sii daayo beri ayuu isku kaa qarniyaa haddii uu al shabaaba caano la soo dhamey waa dil ileyn lama daaweyn karee

Leave a comment

*