Ciidanka amaanka ee Puntland oo dad badan u qabtay dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax

February 23, 2013 - Written by

Howlgal-BoolisGaroowe:-Wararka aan ka helayno maanta magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen in ka badan 50 qof kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaa kaas oo lagu dilay magaalada Garoowe.

Ciidamada amaanka ee Puntland oo kaashanaya dadweynaha ayaa waxay ka soo qabteen magaalooyinka Garoowe ,Boosaaso,iyo Gaalkacyo ilaa 60qof kuwaas oo lagu eedeeyey in ay falal amaan xumi ah ka wadaan Puntland qaarkoodna ay qeyb ka ahaayeen dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax .

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Dukumiintiyo ,Kumbuyuutari ,hub iyo Bambaanooyin kala duwan sida Halgan.net uu u sheegay wariye madax banaan oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Dadka la qabqabtay ayaa waxaa ku jira dumar kuwaas oo guriyaha ka kireeyey raga la qabtay waxaana wili socda howlgalo kala duwan oo ay wadaan ciidamada Amaanka ee magaalooyinka Garoowe,Boosaaso,iyo Gaalkacyo.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doona warbixino iyo xog Muhiim ah oo ay haatan gacanta ku hayaan gudi ay hogaan u yihiin ehelada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax kuwaas oo wada baaritaan iyo xog uruuris badan waxaa sidoo kale gacan siin doona Gudigii loo xilsaaray in ay soo baaraan dilkii Sheekh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan kuwaas oo guul ka gaaray baaritaankii ay wadeen.

M_M Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. asc
    walaalaha waad ku mahadsantihiin dhamaan akhbaartiina hufan ee ay ku dheehantahay xurmadii culumada iyo karaamadii diintu halkaa ka haya
    dhamaan wixii sheekha dilkiisa lug ku lahaa allaah ha usoo dadajiyo ciqaabtiisa adduun ka hor tan aakharo annagana laabtayada ha noo qaboojiyo.

  2. guulaysta dheh
    shiikh a.qaadir dhiigiisu meel cidla ah madhici doono kuwii soo maleegay ayagaa dabkaas aduun iyo aakhiraba kuguban doona

Leave a comment

*