Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyey magaalada B/weyne

February 3, 2013 - Written by

baladweyneHiiraan:-Ciidanka DFS iyo AMISOM ayaa maanta howlgal ka sameeyeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana ay howlgaladaas ku soo qabteen 25 dhallinyaro ah kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dhalinyarada la qabtay ayaa waxaa ay ka yimaadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana arinkaas saxaafada u sheegay taliyaha qeybta booliska ee gobalka Hiiraan G/sare Isaaq Cali Cabdulle.

Taliyaha qeybta booliska ee gobalka Hiiraan G/sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dhalinyarada ka timid Gaalkacyo ay qabteen ka dib markii ay warar sirdoon ah ay heleen.

G/Sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka magaalada B/weyne kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online