Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada BuurHakaba ee Gobolka Bay

February 27, 2013 - Written by

amisomBuurhakabo:-Warark naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay aya sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa DFS iyo AMISOM ay la wareegeen degmada Buurhakabo oo maalmihii la soo dhaafay uu ka jiray dhaq dhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda, ururka Al-shabaab ayaa isla xalay ka baxay degamada Buurhakabo oo in mudo ah ay ka talinayeen iyadoo saaka la arkayey dadweyne fara badan oo u soo daawasho tegay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo soo galay magaalada iyagoo saldhigyo ka samaystay xaruntii maamulka ee degmada iyo Saldhiga Boolisja ee degmada Buurhakabo.

Degmada Buurhakabo ayaa wax dagaal ah uusan ka dhicin markii ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay soo galeen ka dib markii ay ciidankii ururka Al-shabaab ay baneeyeen magaalada iyadoo aan ilaa hadda si rasmi ah loo aqoon halka ay u jihaysteen. Ciidamadaan huwanta ah ee saaka qabsaday degmada Buurhakabo ayaa u jeedkooda ugu weyn uu yahay in ay isku furaan jidka isku xira Muqdisho iyo magalada Baydhabo.

Taliyaha cidanka DFS Gen. Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhego-badan oo la hadlay saxaafada saaka ayaa sheegay in  ciidankooda iyo kuwa AMISOM ay la wardeegeen gacan ku haynta degmada Buurhakabo isagoo xusay in ciidankooda ay doonayaan in degaano hor leh ay ku fidaan. Gen dhego-badan ayaa sheegay in qabsashada ciidankoodu ay qabsadeen degmada Buurhakabo ay u tahay guul maadaama Degmada Buurhakabo ay isku xirto Gobllada
dhowr ah.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo ku aadan qabsashada laga qabsaday degmada Buurhakabo iyo halka ay ciidan koodu uga baxeen degmada Buurhakabo oo ahayd meel muhiim u ah isku xirka xirto Gobllada Bay , Bakool , Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online