Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo maanta bayaan ka soo saaray dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax

February 18, 2013 - Written by

Nairobi:-Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku dhaqan, ayaa bayaan ka soo saaray dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax, bayaanka oo nuqul ka mid ah uu na soo gaaray ayaa u qornaa sidan:-

TACSI IYO CANBAARAYN

Waxaa mahad dhammanteed leh Allaah, ku dayashana waxaa mudan nebi maxamed (scw) Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mida ah culimada soomaaliyeed ee dalka Kenya, kana dhacay hoolka shirarka madiina moll ee xaafada eastliegh Nairobi manta oo axada tariikh duna tahay 7 rabic thani 1434h kuna beegan 17/2/2013

Waxaa ka soo baxay bayaan ka kooban qodabadan soo socda : –

1- waxay culimadu u dirayaan dhamaan umadda soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan qarabadii , ehaladii iyo qoyskii uu ka geeryooday- alle ha u naxariistee, janadiisana haku galadaystee- sh, c/qaadir nuur faarax ( GACAMAY) oo ahaa sheikh weyn oo caalima ah, kaalin weynna ku lahaa u taagnida fidinta diinta islaamka iyo danaha guud ee ummada, oo lagu dilay masjidka badar ee ku yaalla magaalada garowe tariikhdu markay ahayd 15/2/2013 isagoo saladii casar ku jira malinkii jimcaha.

2- sidoo kale culimadu waxay si adag u canbaaraynaysaa dilkii foosha xumaa, naxariis daradana ahaa, ee lagula kacay sheekhaas ku cirraystay cibaadada Alle iyo cilmiga shareecada isagoo Rabigii hor taagan maalin jimce ah, waxayna culimadu cadaynaysaa in falka noocaas ahi aanu asal ku lahayn diinta islaamka,balse uu yahay danbi alle laga galo kuwa ugu waawayn mid kamid ah, kaasoo laga galay diinta ,dalka iyo umada islaamka intaba, cuquubada ka dhalatana aduun iyo aakharaba waxaa wadaagaya wadaada fatwada ku bixiyay in culimada la laayo, ciddii amarka bixisay, cidkasta oo ku faraxsan, iyo kuwa fuliyay intuba

3- Culimadu waxay ka digaysaa falalkaa foosha xun ee lagu ugaadhsanayo ummada indhaheedasida sida culimad, dhakhatiirta, isimada, iyo dhammaan dadka waxtarka u leh bulshada soomaaliyeed, ayagoo cadaynaya in falka noocaas ahi uu u adeegayo oo kaliya cadawga diinta iyo dalka.

4- Ainay rabigood usoo laabtaan, cilmigana ay ka qaataan culimada lagu kalsoonyahay cilmigooda iyo camalkooda.

5- Culimadu waxay ugu baaqayaan masuuliyiinta umada soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan inay ilaaliyaan dadka bulshada waxtarka u ah sida culimada,aqoonyahanka, dhakhaatiirta iwm

Culimada bayaanka soo saartay:

1-sh maxamed cabdi umal

2- sh. Maxamud maxamed shibile

3-sh c/wahaab isxaaq

4- sh maxamed rashiid cismaan

6- sh xasan ashkir ibraahim

7- cabdulqadir maxamed cusman

8- Sh adan axmed ibraahim

9- Sh xasan cabdi cali

10- Dr. axmed cabdi ladiif

11- Dr. maxamed sh cismaan

12- Sh.cabdiwahab cusman

13- Sh cali xuseen sugule

14- Sh abdiqaadir cabdilaahi budul

15- Sh/cabdi raxmaan kaamil

16- Sh sulub sh adam axmed

17- Dr adan inshaar

Halgan.net/Somalireal.com

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc allaha u naxaristo sheekh c/qadir waxa ilahay ku arzaqay shahado walibana qaali ah kuwi dilay &kuwa kanbeyana inshallahu ciqabtooda sugayan oo culimo &caamoba wala habaray amiin badan waloo dhahay allaha naga aqbalo culimada inta noo hartay allaha noo xifdiyo dalka &dibada melkasto allaha ku xifdiyo amiinnnnnnnnnnnn.

Leave a comment

*