Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay in la iska dhiciyo Ururka Al-Shabaab[Masawiro+Cod]

February 19, 2013 - Written by

shaxmedGaroowe:-Waxaa culimada Soomaaliyeed gaar ahaan culimada ururka Al-ictisaam Bilkitaabi Wasunah oo shir uga socday  magaalada Garoowe mudo 3 beri ah maantana soo gabagaboobay ayaa waxaa ay maanta saxaafada kula hadleen magaaalada Garoowe waxaa ay sheegeen in Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ay dileen ururka Al-shabaab kuwaas oo shir qoolo ku dila haldoorka umada Soomaaliyeed.

Sh. Axmed Cabdisamad oo la hadlay idaacadaha kale duwan ee ka howl gala degaanada Puntlland ayaa ugu baaqay Isimmada, Culimada, Beelaha in ay si wada jir ah meel looga soo jeesto kooxda al-shabaab oo u adeegaysa cadawga islaamka .

Sheekh Axmed Cabdisamad ayaa sidoo kale sheegay in culimada Soomaaliyeed ay shir hordhac ah ay iskugu imaan doonaa ka dibna ay ka soo saari doonaa Fatwo ay ku howl galaan dhamaan umada Soomaaliyeed si kooxda Al-shabaab looga badbaadiyo umada Soomaaliyeed iyadoo shirkaas uu dhawaan dhici doono.

no images were found

Sh axmed Cabdisamad ayaa sheegay in ururka Al-shabaab falalkooda guracan ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn shareecada islaamka,Shiikh ayaa waxaa kale oo uu sheegay inay isku danbi yihiin kan falka dilka geystay,kan qariyey,kan dhaqaalaha ku bixiyey ,kan ugu adeegaya warbaahinta oo wada marin habaabinta ku salaysan been abuurka alle ka fogaasho ah.

Sh Axmed Cabdi samad ayaa u mahad u celiyey Dowllada Puntlland, dowllada Somalilland oo ku guulaystay in ay qabtaan dhagar qaba yaashii wax ka soo abaabulay dilka Sh Cabduqaadir Nuur Faarax halka Dowllada Federaalka Soomaaliya ay gargaar dhinac caafimaad ka ah ay u fidisay dadkii ku dhaawacmay qabashadii dhagarqabihii dilay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee.

Culumada ayaa ugu baaqay dhamaan Maamulada ka jira dalka in ay qaataan oo ku dhaqmaan Shareecada Islaamka waxayna ka codsadeen in Mujrimiinta dishay Sheekh DR Ahmed Xaji C/raxmaan iyo Sheekh C/qaadir la mariyo xukunkooda Shareecada Islaamka.

Warsaxaafadeedka Culumada Jamaacat Ictisaam ay ka soo saareen dilka Sheekh Cqaadir Nuur Faarax.

Hoos ka Dhageyso war-saxaafadeedka uu akhriyey Sh Axmed Cabdisamad

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/mio7o6p8q9/warsaxaafadeed.mp3″] ama Halkan Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

11 Comments so far

Leave a comment

  1. khayr alle ha ka siiyo waa runtii ciddii ka danbaysay sheekh diinta fidinteetd ku cirraystay oo waliba sallaad casar ku jirra oo ilaahay hortaagan dilkiisa waa xaqiiq inay cadawga u adeegayso
    illaahay ummada ha ka qabto

  2. Ha laisxureeyo maxaa loofadhiyaa culumada ha inahorkacaan

  3. Gacmaha Allah ha ka gooyo qawanaddi sheikh cabdiqaadir dishay, isagana Allah ha u naxaristo eheladiisina iyo dhamaan umada soomaliyeedna waxaa ka dummay tiir dhexaadkii dacwada, illahay abdal kheyr qaba hana siiyo anagana amiin.

  4. ma sha alaah waan soo dhawaynaynaa bayaanka culimada waxaan rabnaa in ficil laga dhigo oo layska celiyo cadowga waa waxaa ah ashahadoladirir al shabaab qof tukanay iyo kasoo baxay dilkis ka dhigtay camal

  5. Asc.
    Allaah T.W.C. waxan weydisaneynaa in uu no xifdiyo culumadena meel ey joganba, umadana in uu ku risaqo fahamka ujadada culumada.
    Shacabka waxan leyahay culumadina ilaalsada ayaga ka awleysan dadka kale oo aan ilalino. Halgan.net iyo shaqaleheda Alle T.W,C. waxan u weydineyna in uu xifdiyo howsha ey umada u hayaana uu ka ajar siyo.
    Scw

  6. waligey kuma fikirin inaan qori qaado oo dagaal galo lkn hada waxaan umaleynayaa iney lama huraan tahay in la iska celiyo kooxda cadeysatay baabi’inta umada soomaliyeed dhamanteed iyagoon ukala sooceyn culimo,waxgarad,ganacsato,aqoonyahano,iyo cid walba oo aan ku fikir aheyn kaliya waxaan sugaynaa fatwada culimada soomaaliyeed ..

  7. sheekh axmed abdisamed allaah kahyr kui siiyo ilaahayna ha u naxariisto sheekh jaliil abdiqaadir nuur farax [gacamey ] dhamaan culimada soomnaliyed ee la yaqaano mid ahaada sidaa aad maanataba nidka utihiin — waxaan hambalyo u soo jeeddi nayaa jamacaada AL- ictisaam bil kitaabi wasunati rasuulilaah S.C.W sida fiican ee ay uga hadlkeen dilkii sheekh abdiqaadir gacamey anaka ka badbaada dhaliyarada ee badnbeedo ee deganaada soomaliland gaar ahaan ka haw gasha gobolka awdal waxay ledahy falkaasi waa fal waxashnimo ku jirto ilaahayna waxaan u barayaya inuu hoojiyo aduunka korkiisa wixii gastay dilitaanka sh.abdiqaadir gacamey ALLAAHA u naxariistee ILAAHAY WAXAAN U BARYAYYA SHEEKHA INUU UNA XARIISTO QABRIGAN U WAASICIYO AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN ———- somalina waxaan odhan lahaa mawqifkiinu ha midaysmo AL-SHABAABNA waxaan odhanayaa kahwaarij baad tihiin ee biri ma gaydada aa laynaysaan ilaahay wuu idinkala xisaab tami hadii alle yidhaahdo
    —xasan xuseen waa khawaarij ha la iska ilaaliyo waxa laynayaa umadda soomaliyeed indhahooga
    —ian godane oo ku jura buurahaa gal-galana waxaan odhan lahaa waar adana la danbi baad thy kuwa laynayaa biri may gaydhada soomaliyeed ee u ah iftiinka
    sheekh abdiqaadir gacameyna ALLAHA u naxristo AMIIIIIIIIIIIIN

  8. A/C . AAD AYAAN UGU TACSIYADAYNAYAA UMADDA SOOMAALIYEED MEELKASTA OO AY JOOGAAN . AL SHABAAB WAA KHAWAARIJ MAARIQIIN AH WAXAANA BILAAMAY WAKHTIGII LA ISKA DHICINLAHAA

  9. Salaanta Islaamka kadib, culimada waan salaamayaa. Aad ayaan ooga tacsiyeynaa geeridii aabihii dacwada Somalia. Waxaan leeyahay maanta dhalinyarada dacwada xambaarsan wax danbe oo aan sugnaa ma jiraan hadda wixii ka danbeeya. Waa inaan annaga isku tashanaa. Saad ogtihiin Alle ka sokow nimankan intaa wixii ka danbeeya laguma dhawran karo sidaa.

    Dalkii iyo dadkii waa dumiyeen, iyo diintiiba. Umaddii waa adoonsadeen, cadawgii intay u yeereen ayey kala dhuunteen. Waxay u banbaxeen laynta haldoorka umadda. Maamulada jiraa waxba ma qaban karaan, haddii dadka dacwada ayan iyagu talaabo qaadin

    Alle waxaan waydiisanayaa inuu shabaab ku keeno halaag dag-dag. Allow caalamad deg-deg ah ayaan ku waydiisayaa inaad nimanka ku keento

    Amiin, Amiin,Amiin

  10. alahoma axfid colamaaun
    ilahohalak ninkii kusoojedsad culamad

  11. waanu soo dhawaynaynaa baaqa culumada rabaaniyiintaa loona kala harimaayo dawacooyinka sumaysan dabar goyntooda insha alaah

Leave a comment

*