Dad Muslimiin ah oo lagu laayey masaajid ku yaalla deegaanka Libooye

February 21, 2013 - Written by

liboyaNairobi:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Libooye ayaa sheegaya in koox hubeysan ay ku laayeen masjid ku yaala deegaanka Malele oo u jira 25 km u jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab. Dilka foosha xun oo ay geysteen kooxdan hubeysan kana dhacay gudaha Masjidka xili ay dadka ku jireen Salaadii subax oo ah salaadaha ugu qiimaha badan ayaa ka yaabiyey dadkii ku dhaqanaa deegaanka Malele. Weerarka ayaa waxaa ku dhinta ugu yaraan 7 qof  waxaana kala yaacay dadkii ku tukunayey Masjidka deegaanka Malele waxaana weerarka geystay 8 dhalinyara oo hubeysan.

Guddoomiyaha degmada Gaarisa Macalin Maxamed ayaa warbaahinta u xaqijiyay in dad shacab ah in lagu laayey deegaanka Malele xili ay ku jireen salaadii subax wuxuuna sheegay in ay ciidamo u direen ayna baarayaan. Ilaa haatan lama yaqaan kooxda dadka Muslimiinta ee tukanaya ku leysay gudaha Masjid ku yaal deegaanka Malele oo u jira 25 km u jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online