Dagaal xalay B/weyne ku dhexmaray Al-Shabaab iyo AMISOM

February 1, 2013 - Written by

baladweyneHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xalay ciidamada Al-Shabaab ay dagaal kadis ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Jabuuti waxaana dagaalka ka dhashay khaaso leh dhimasho iyo dhaawac

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee galbeedka Beledweyne,waxaana dagaalka xaqiijiyey guulna ka sheegtay Taliyaha ciidamada lugta ee gobolka Hiraan ee DFS  Tawane Axmed .

Waxaa kale oo dagaalka ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) waxaana uu guul ka sheegtay dagaalkii xalay ka dhacay B/weyne isaga oo saxaafada u balan qaaday in uu soo bandhigi doono magacyada iyo maydadka Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka madaxbanaan DFS oo xaqiijin karta guusha ay sheegteen Taliyaha ciidamada lugta ee gobolka Hiraan ee DFS  Tawane Axmed iyo Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji).

Saraakiisha Ururka Al-Shabaab ayaa ilaa haatan ka hadal dagaalka xalay saq dhex ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaalada Beledweyne.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online