DFS oo ka hor timid codsi dowladda Kenya u gudbisay golaha ammaanka.

February 15, 2013 - Written by

 Muqdisho:-Dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay  in ciidamada badda ee Kenya lagu daro howlgalka nabad ay ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan codsi dowlada Kenya ay u gudbisatay QM oo ahaa in la siiyo ciidankeeda Aduun dhan $10 milyan oo doolar

Sida uu maanta soo qoray wargayska  caanka ah ee dalka Kenya Daily Nation ayaa waxaa uu sheegay in  ra’iisul wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay Golaha Amaanka ay ka sheegtay in aysan jirin sabab ay ku taageeraan ololaha dhinaca badda ay ciidanka Kenya kula dagaalamayaan Ururka Al-Shabaab.

Danjiraha dowlada Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Macharia Kamau ayaa ku tilmaamay codsiga ay Dowlada federaalka u gudbisay  wax laga xumaado wuxuuna sheegay in ciidamada ay ka mid yihiin ciidanka AMISOM ee howlgalada ka wada gudaha Soomaaliya.

Danjiraha dowlada Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Macharia Kamau ayaa sidoo kale ku andacooday in dowlada Soomaaliya aysan awood u lahayn in ay xayirto hubka u soo gudbaya Al-Shabaab .

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu Wargeyska Daily Nation uu ka qoray diidmada DFS in ciidamada Badda Kenya ay qeyb ka noqdaan Ciidamada AMISOM .

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online