Dib u eegis kooban buugga Xusuus qor Saciid Cismaan Keenadiid W/Q Saciid Cali Shire

February 1, 2013 - Written by

ShireLondon:-Buugga ‘Xusuusqor’ ee Saciid Cismaan Keenadiid, Eebbe (sw) ha u naxariistee, ogaantay, waa buuggii u horreeyey ee si tafatiran u soo ururiyey una soo bandhigay dhacdooyinkii hareeyey guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, muddadii u dhexeysay Diseembar 1990 – Juun 1994-tii. Dhacdooyinka buuggu xambaarsan yahay, shar iyo kheyr, ma aha ku tiri ku teen iyo war suuqa laga ururiyey ee waa dhacdooyin qoraagu ama dhegihiisa ku maqlay, ama indhihiisa ku arkay.

Qoraagu, inta uusan dhex muquuran dhacdooyinkaas murugada badan, malaha isagoo ogsoon in buugga la daabici doono, seben, dadkii qarannimo iyo qiimeheed ogaa ama xusuus-guur ku dhacay ama ay aakhiro u jihaysteen ayuu buugga af-bilow uga dhigayaa oraahyo jiilka maanta nool iyo kuwa mustaqbalka ku abtirsan doona Jamhuuriyaddii Soomaaliya u iftiimiya sidii berisamaadkii la ahaan jirey. Wuxuu sidoo kale, qoraagu, buugga ku soo af-meerayaa muuqaal ujeeddadiisu, aniga fahankayga, ku biyo shubanayso in uu qalbigeenna ka dhaqo caloolxumada iyo uur ku taallooyinka buuggu xambaarsan yahay. Waa qoraal kooban oo muuqaal ka bixinayo gobonnimaddoonkii degaammada Shabeellada Dhexe.

 W/Q Saciid Cali Shire.
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online