Puntland oo ka hadashay dagaalkii shalay ka dhacay Buuraha Golis

February 15, 2013 - Written by

cabdijamaalBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka Puntlland iyo ururka Al-shabaab uu shalay dagaal ku dhexmaray degaan ka Ceeldibir oo ka tiran Buuraha Golis.

Wasiir ku xigeenka Amniga dowlada Puntland Cabdi Jamaal Cismaan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidanka Daraawiishta ee dowllada Puntlland ay dagaalkii dhacay shalay ay ku soo qabteen ilaa 3 qof oo ay Puntland sheegtay in ay baareyso halka 2 kale oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay meydkooda keeneen magaalada Boosaaso.

Wasiir ku xigeenka Amniga dowlada Puntland Cabdijamaal Cismaan ayaa waxaa uu guul ka sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Ceeldibir waxaan uu sheegay in ciidanka dowllada Puntlland aysan joojin doonin dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab.

Dhinac kale Afhayeenka Ururka Al-shabaab C/Casiis Abu Muscab oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ay guul ka gaareen dagaalkii shalay ay la galeen Ciidanka Puntlland waxaana uu sheegay in hal askar uu ka dhintay khasaaro kale duwana ay gaarsiiyiin ciidanka Puntlland.

Guulaha ay kala sheeganayaan ciidamada Puntland iyo Ururka Al-Shabaab ayaan waxaa jirin cid si madax banaan u xaqiijin karta madaama eega lagu dagaalamayo uu yahay Buuraley

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online