Ganacsade Aadan Sheekh Muuse Cali oo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

February 14, 2013 - Written by

KismaayoKismaayo:-Laba dhalinyaro oo hubaysan  oo aan ilaa haatan la aqoon heybtooda ayaa xalay ku dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose alaha u naxariistee Aadan Sheekh Muuse Cali (Axmed Sandheere )oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo .

Halgan.net oo xiriir kala duwan la sameysay magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo xaqiijiyey in alaha u naxariistee la dilay Axmed Sandheere xili uu salaadii maqrib uu soo tukaday kuna sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Farjano.

Dilka Marxuum Axmed Sandheere ayaa waxaa fuliyey labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado iyaga oo goobta ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen .

Taliyaha ammaanka ee magaalada Kismaayo Sheekh Maxamuud Qaali ayaa sheegay in ciidankooda wadaan baaritaano si loo aqoonsado cida ka danbeysa dilka Marxuum  Axmed Sandheere.

Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa DFS ayaa saaka howlgalo ka wada gudaha magaalada Kismaayo iyaga oo gudaha u galay xaafada Farjanno oo uu xalay ka dhacay dilka.Ilaa haatan ma jiraan cid loo soo qabtay dilka Marxuum  Axmed Sandheere.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online