Golaha Wasiiradda DFS oo maanta ku kulmay Muqdisho (War-Saxaafadeed)

February 2, 2013 - Written by

IMG_9627Muqdisho:-Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa looga hadlay sharciga maamul-u-samaynta Gobollada, Sarifka Lacagaha Qalaad iyo Warbixin kooban oo laga dhageystay Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim.

Ugu horreyntii Goluhu wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Hormarinta Adeegga Bulshada, Drs Maryam Qaasim, waxayna tafaasiil ka bixisay shir caalami ah oo ay dhawaan kaga soo qeybgashay dalka Imaaraadka Carabta oo looga hadlayay arrimaha bedbaadinta Hooyada iyo Dhallaanka, waxana ay sgheegtay in  shirkaasi ay ka soo baxeen qaddobo muhiim ah. Drs Maryam Qaasim waxa sidoo kale xustay in dowladda Imaaraatka Carabta ay ka wada hadleen sidii loo hormarin arrimaha adeegga bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan  waxbarashada.

no images were found

Sidoo kale, Golaha ayaa ka dooday Isbedelka ku yimid Sarifka lacagta dollar-ka ah, wuxuuna Ra’iisul Wasaare “Saacid” sheegay inuu aad uga xun yahay halka uu marayo sarifka lacagaha qalaad, Isagoona  guddi uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda  iyo Xubno ka tirsan Ganacsatada u saaray sidii ay u soo diyaarin lahaayeen warbixin ku saabsan hoos u dhaca ku yimid doolarka iyo saameynta ay ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in Xukuumadda Soomaaliya ay tillaabooyin deg deg ah ka qaadan doonto xasilinta sarifka lacagaha qalaad, Iyadoo Xukuumaddu la kaashaneysa ganacsatada iyo hay’adaha arrintaan wax-ka qabashadeeda gacan ka geysan kara.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay hindise-sharciyeedka dhismaha maamul u samaynta gobollada dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka. Hindise-Sharciyeedka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliya is ay u ansixiyaan.

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director
Office of the PM

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online