Golaha Wasiiradda ee dowlada federaalka oo ku shiray Muqdisho (Warsaxaafadeed)

February 7, 2013 - Written by

IMG_9897Muqdisho:-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixin la xariirta Safarka Ra’iisal wasaaruhu ku tegay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, dib u eegis lagu sameeyey Guddiga Shaqaalaha Rayidka, iyo erey bixin cusub oo loo sameeyey dhismaha Maamulada Gobolada dalka.

Gabogabadii kulankooda ayaa waxaa warfidyeenada la hadlay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi, isagoo sharaxaad ka bixiyay natiijada kulanka Golaha.

Wasiirka ayaa xusay in ugu horeyntii si weyn loo falanqeeyey dowrka ay ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM, gaar ahaana kuwa dalka Jabuuti ay ka cayaarayaan tababarista iyo jiheynta Ciidamada Dowladda ee ka howlgalaya magaalada B/weyne. Waxayna kaloo ammaan ballaaran u soo jeediyeen kaalinta ciidamada Jabuuti, isagoo xusay in ciidamadani ay muujiyeen walaaltinimada ay Dowladda Jabuuti u heysto Soomaaliya.

“Runtii kalsooni weyn ayay gelisay ciidamada Dowladdeena sida walaaltinimada leh ee ay ciidamada Jabuuti uga howlgalaan B/weyne, iyo sida ay kaalin mugleh uga qaataan howlaha lagu sugayo ammaanka, laguna soo celinayo sharciga iyo kala dambeynta” ayuu yiri Mudane Ciilmooge.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Goluhu ay go’aamiyeen in Wasaaradda Maaliyadda ay bilowdo qaadista Canshuurta laga gooyo mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu ay dib u eegeen waqtiga howlgalka ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda (Mandate), oo dhamaaday, loona baahday in dib loo eego, wuxuuna xusay in loo xil saaray Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ugu dambeyntiina, Goluhu waxay erey bixin cusub u sameeyeen maamul u sameynta gobalada dalka, oo maanta kadib ay isku raaceen in loo isticmaalo “Maamul u sameysashada Gobalada dalka”. Maadaama ay gobol iyo degmo kasta xaq u leeyihiin inay iyagu iska soo dhex doortaan dadka hogaanka u noqonaya, taasoo Xukuumaduna ku taageeri doonto.

—Dhamaad—

Garad Salad Hersi
Press Officer
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online