Golayaasha Jamciyadda Al-irshaad ee UK waxay soo saareen Bayaan ka kooban Tacsi iyo Baaq.

February 18, 2013 - Written by

tacsiLondon:-Ka dib fadhi ay yeesheen Golayaasha Jamciyadda Al-irshaad ee UK waxay soo saareen Bayaan ka kooban Tacsi iyo Baaq.

1-Jimciyaddu waxay tacsi u diraysaa dhammaan Eheladii Sh.C/qaadir Nuur Faarax, Asxaabtiisii, Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Umadda Muslimka ah oo dhan ayaga oo uga tacsiyeynaya geeridii naxdinta laheyd ee Gacan ku dhiiglayaashu u gaysteen Sheekha Alle ha u naxariistee maalintii Jimcaha ahayd ee 5-04-1434H / 15-02-2013 isaga oo ku jira salaadddii casar masjidka Beder ee magaalada Garoowe.

2-Waxay Jimciyaddu Dilka Sheekha si toos ah ugu eedaynaysaa in ay mas’uul ka tahay Xarakada Shabaabka.

3-Fal danbiyeedka lagu dilay Sheekha waxaa mas’uuliyaddeeda qaadaya dhammaan cid kasta oo u gogol xaartay, taageertay ama diimaysay dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo culumada, Aqoon yahanka iyo indheer garadka.  Kuwaas oo uu ugu horeeyo Wadaadka Xassaan Xuseen ee ku nool Nairobi, Kenya ee fatwooday gaalaysiinta Culimadii Diinta. Fatwooyinkaas oo abuuray bay’o carro san u noqotay in ay ka baxaan 18 jir-ro ku dhiiraday daadinta Dhiigga Culimada.

4- Jamciyaddu waxay canbaaraynaysaa dilalkii loo gaystay Sheekh C/qaadir, Dr. Axmed iyo  dhammaan dilalka qorshaysan ee lagu ugaarsanayo Culimada iyo Waxgaradka indha u ah bulshada Soomaaliyeed ee ay geysanayaan Xarakada Al-shabaab.

5-Waxaan ugu baaqaynaa in dhamaan qaybaha kala duwan ee ummadda Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeestaan ka hortaga fikirka kooxdaan iyo falalka gurracan ee ay caadaysteen.

6-Waxaan codkeenna ku daraynaa baaqyada kala duwan ee ay soo saarayaan Culumada, Maamul-lada, hay’adaha iyo shakhsiyaadka ka damqaday dabar goynta wax garadkii ummadda.

7-Waxaan ugu baaqaynaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaatay fikirkaan gurracan ee ka soo hor jeeda Tacaaliimta diinta Islaamku in ay ka soo laabtaan oo Rabbigood u tawbad keenaan.

8-Waxaan maamullada iyo Madaxda dalka xasuusinaynaa in Mas’uuliyadi ka saaran tahay ilaalinta Culimada, Indheer garadka iyo Aqoon yahanka umadda lagulana xisaabtami doono.

Gudiga fulinta

Ee Irshad Foundation

London UK

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online