Guddiga Baarista madaxa banaan ee dilkii Dr. Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan oo Tacsi diray

February 16, 2013 - Written by
19Inaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun.. Guddiga Baarista madaxabanaan ee dilkii Dr. Sheekh. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Wuxuu uga tacsiyeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada Soomaaliyeed iyo qoyskii, iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariisto Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax. Laga bilaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 06/04/ 1434 Hijriga kuna beegan 16/02/2013 Guddiga Baarista madaxa banaan ee dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waxaa loo bixiyey Guddiga Baarista madaxa banaan ee dilka Culimada.
Guddigu Wax uu Ilaahay uga mahdinayaa inuu gacanta ku jiro dhagarqabihii dilay Sheekha, Dhagarqabe Cabdiraxmaan Xusseen Jaamac Bile xogta ilaa hadda Guddigu uu xaqiijiyay waxay tibaaxaysaa Dhagarqabuhu inuu ka tirsanyahay Amniyaatka Ururka Al-shabaab. Guddigu wuxuu umadda Soomaaliyeed u ballan qaadayaan inay umadda Soomaaliyeed u soo bandhigi doonaan natiijada baaritaan qotto dheer oo ay ku sameyn doonaan kooxdii iyo ururka ka dambeeyay dilka Sheekha Allaha u naxariistee. Guddigu wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu bishaaray nayaa in dilka sheekhu uu noqon doono (Ilaahay Idamkii) dhamaadkii kooxdan caadeysatay Dilka culimada iyo in dheergaradka umadda.
Guddigu wuxuu ka codsanaya bulshada soomaaliyeed wixii xog dheeraad ah ee ay ka hayaan kooxdan inay ku soo aadiyaan cinwaankan:
awaxmad2011@yahoo.com
Guddiga Baarista madaxabanaan ee dilka Culimada.
Puntland, Somalia

2 Comments so far

Leave a comment

  1. asc umada soomaliyed horta Ilahey aya mahad iskaleh an culimada dhiigooda beylah kadhigin ugu yaran waxa lahayaa kuwi dilay marke waxan leeyahay umadu haisdifaacdo gumeysiba wan soomarnee natiijadane anagaa iska leh insha allah

  2. Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariisto oo janadii fardowsa ka waraabiyo wuxuu ku khaatumeystey kheyr insha Allaah Allaha janada ugu bishaareeyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka dhintey ALLAH samir iyo iimaan haka siiyo. Intaas kadib waxaan guddiga baaritaanka ka codsanaa inay la kaashadaan baaritaankooda Khubaro caalami ah oo wadamada islaamka uga yeertaan dad aqoon sare u leh baaritaanada si loo ogaado qaabka ay nimanka Sheeqa dilay u shaqeeyaan oo dilalka u qorsheeyaan oo ay usoo abaabulaan. Ilaahay howsha aad islaamka u heysaan ha idinku kaalmeeyo. Wabilaahi Towfiiq. Cabdala Aadan Xasan , Stockholm, Sweden

Leave a comment

*