Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo u dhoofay dalka Itoobiya

February 13, 2013 - Written by

jawaariGuddoomiyaha baarlamaanka DFS Maxamed Sh.Cismaan Jawaari  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa ay safar ku gaareen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Guddoomiyaha baar lamaan ka Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan jawaari  oo la hadlay saxaafada inta uusan ka dhoofin garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in casumaad uu ka hellay dhiggiisa dalka Itoobiya ayna ka wada hadli doonaa xiriirka ka dhexeeya 2-da dal iyo in la sii adkeeyo xiriirka ka dhexeeya 2-da dowlladood.

Guddoomiyaha baarlamaanka Dowllada Federaalka ee Somaaliya Maxamed Sh. Cismaan jawaari  ayaa waxaa kale oo xusay in u jeedadad safarkoodu uu yahay siddii la isku dhaaf san lahaan khibrada iyo aqoonta dhinac sharciga ee Golahaasha Baarlamaanka ee 2-da dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari  ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya  xubno ka tirsan guddi hoosaadyada Golaha Baarlamaanka ee Dowllada Federaalka Soomaaliya.

Ma ah markii ugu horaysay oo masuul ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya uu safar ku gaaro dalka Itoobiya ,Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ilaa 2-bo jeer safar ku tegay dalka Itoobiya isagoo kulamo kala duwan la soo qaatay Madaxda Dowllada Itoobiya.

 

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online