Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka DFS Prof.Jawaari oo la kulmay Dhiggiisa dalka Itoobiya

February 14, 2013 - Written by

jawaariAdis-Ababa:-Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu maanta kulan gaar ah la yeeshay Dhiggiisa dalka Itoobiya Abdula Gemeda iyo xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee dowllada Itoobiya.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari iyo wafdiga la socda ayaa markii ay shalay gaareen caasimada dalka Itoobiya Adis-Ababa waxaa la dejiyey Hotelka Hilton  halkaas oo ay kulamo gaar gaar ah kula yeeshay xubno ka tirsan dowllada Itoobiya.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa shalay markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Boli International Airport waxaa si weyn u soo dhaweeyey  Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abdula Gemeda iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada dalka Soomaaliya  ku leedahay dalka Itoobiya.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya Prof.Jawaari ayaa la sheegayaa in dowllada itoobiya uu kala hadlay khilaafka ka taagan maamul u samaynta Gobolka Bay iyo Jubooyinka iyo qaabka ugu sahlan ee maamulo loogu samayn karo Gobollada ay qabsadeen ciidamada Kenya , Itoobiya oo gacan ka hellay ciidamo Soomaali ah.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online