Guddoomiyaha maamulka KMG Kismaayo oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo

February 7, 2013 - Written by

Ahmed_MadoobeKismaayo:-Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana uu ka hadlay arimo badan waxaana ka mid ahaa Amaanka gobalka J/hoose  ,Maamul u sameynta gobalada jubooyinka .

Sheekh Ahmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo dadka deegaanka ay ka wada tashan doonaan maamul u sameynta gobalada jubooyinka wuxuuna xusay in qolo walba dowrka ay leedahay uu cad yahay wuxuuna uga digay DFS in ayu soo  magacaawwdo maamul magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha maamulka KMG ee  magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dhawaan uu furmi doono shir maamul loogu dhisi doono Jubooyinka ,wuxuuna ku celiyey in xiriirka maamulkiisa iyo DFS  uu wanaagsan yahay.

Ahmed Madoobe ayaa sheegay in magaalada Kismaayo iyo guud ahaan degmooyinka gobollada Jubbooyinka ay joogaan ciidamada huwanta  amaankooda uu yahay mid la isku haleyn karo waloow ay weeraro gaadmo ah ka dhacaan .Guddoomiyaha maamulka KMG ee  magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale sheegay in DFS ay gudoomin doonto shirka dhawaan ka furmi doona magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha maamulka KMG ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada DFS  iyo kuwa AMISOM ay la wareegi lahaayeen deegaano ka baxsan magaalada Kismaayo balse aysan heysan ciidamo ku filan wuxuuna hoos ka xariiqay in ay  dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFS.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online