Guddoomiyaha Ururka Midnimo oo loo doortay Dr. Saadiq Eenow

February 3, 2013 - Written by

Dr.saadiqGaroowe:-Waxaa magaalada Garoowe  ee caasimada Puntlland maanta lagu soo afmeeray shirweynihii 1aad ee urruka Mucaaradka ah ee Midnimo iyadoo shirka lagu doortay 95 xubnood oo ah Golaha dhexe ee Ururka iyo la taliyaha guddoomiyaha ururka Midnimo. Shirweynaha ururka  Midnimo ayaa maalintii shalay waxaa uu ka furmay mgaalada Garoowe waxaan ka soo qayb galay wufuud kale duwan oo ka kala timid magaalooyinka kala duwan ee Puntlland oo ah taageerayaal , xubnaha madaxda ka ah xafiisyada ururka Midnimo,marti sharaf iyo xildhibaano ka tirsan Dowllada Puntlland.

Dood dheer ka dib ayaa wufuudii ka soo qayb gasha shirka ururka Midnimo waxaa ay doorteen hogaanka ururka oo kala ah:-

1-  Guddoomiyaha Ururka Midnimo waxaa loo doortay Dr. Saadiq Eenow waxaan codka siiyey ilaa 95 xubnood.

2-  Guddoomiyahah golaha dhexe ee ururka Midnimo waxaa loo doortay Axmed Shiikh Faarax oo ah aqoon yahan ka soo jeeda Gobolka Mudug ahna  soona bartay Cilmiga siyaasada iyo dhaqaalaha macalina ka ah Jaamacada magaalada Gaalkacyo.

3- La taliyahah guddoomiyaha ururka Midnimo ayaa waxaa loo doortay Dr C/naasir Cismaan Cuuke oo ka mid ah dhaqaatiirta  Gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha ururka Midnimo Dr. Saadiq oo la hadlay saxaafada ayaa markii la doortay waxaa uu mahad u jeediyey dhamaan xubnaha ururka Midnimo ee siiyey kalsoonida  waxaan uu u soo jeediyey in ay gacanta is qabsadaan dhowraana wadajirkooda. Guddoomiyaha ururka Midnimo Dr. Saadiq Eenow ayaa sheegay in ururkoodu aysan iskugu imaan qaab qabiil balse ay yihiin waxgarad iyo aqoon yahano  bulshada reer Puntlland ay yaqaanaan wax ay u qabteen iyagoo aan wax siyaasad ah ku jirin.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Urur mucaaradka Midnimo Dr.Axmed Sheikh Faarax oo markii la doortay ka dib isagana ka hadlay madasha shirka ee lagu doortay ayaa u mahad celiyey dhamaan xubnaha kale duwan ee ka soo qayb galay shirka Midnimo iyo kalsoonida buuxada ee ay siiyeen hogaanka cusub ee ururka. Dr Axmed Shiikh Faarax ayaa balan qaaday in xilka loo igmaday iyo waajibka saran ay ka soo bixi doonaa waxaan uu ugu baaqay taageerayaasha ururka Midnimo wax wadaqabsi iyo talo wadaag

Dhinac kale Lataliyaha guddoomiyaha Ururka Dr. C/naasir Cismaan Cuuke oo isagana goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ururka Midnimo ay howl badan u harsann tahay tartankuna oo hadda bilow yahay loona baahan yahay taageerayaasha , xubnaha ururka iyo golaha dhexe looga baahan yahay dadaal dheeraad ah isku xirnaan joogta ah. La taliyaha guddoomiyaha Ururka Dr. C/naasir Cismaan Cuuke ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ururka Midnimo uu  hadafkoodu yahay in ay is bedel ku sameeyaan hogaanka Puntlland sidaas darteedna looga baahan yahay siyaasad hufan iyo wada jir.

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online