Gudiyada Joogtada Ee Baarlamaanka DFS oo ku kulmay Muqdisho (Warsaxaafadeed)

February 12, 2013 - Written by

barlamaanMuqdisho:-Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen qorshe howleedka Baarlamaanka sanadkan 2013 iyo arimmo kale.

Kulankan oo ahaa kulankii Labaad ee ay yeeshaan gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka tan iyo intii ay Xildhibaannada Baarlamaanku galeen fasaxooda sanadlaha ah ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari waxaana ugu horeyn ay gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ka doodeen jadwalka xil gudashada Baarlamaanka sanadkan 2013 sida howlaha uu Baarlamaanku qaban lahaa maalin walba amaba bil walba ayadoo dood kadibna ay gudiyada joogtadu ansixiyeen qorshe howleedka Baarlamaanka sanadkan 2013.

Ajandaha Labaad ee ay ka hadleen gudiyada joogtada ee Baarlamaanka ayaa ahaa magacaabidda Xogaha Guud ee Golaha Shacabka waxaana ay gudiyada joogtadu ansixiyeen in Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux uu noqdo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale gudiyada joogtada ee Baarlamaanka waxey ka hadleen fulinta Istiraatiijiyada Afarta sano ee Baarlamaanka laga doonayo iyo fulinta xeer hoosaadka Baarlamaanka kaasi oo ay horey Xildhibaannada Baarlamaanka u ansixiyeen waxaana ay gudiyada joogtadu dhinacyo kala duwan ka eegeen in sida ay tahay ee loo ansixiyey loo hirgelin doono haduu Alle idmo.

Ugu dambeyntii gudiga joogtada ee Baarlamaanka ayaa waxey ka hadleen socdaalka ay gobollada kala duwan ee Dalkeenna ku marayaan Xildhibaannada Baarlamaanka si ay usoo ogaadaan baahida dhabta ah ee ka jirta deegaannada iyo degmooyinka ay kasoo jeedaan taasi oo qeyb ka ah istiraatiijiyadda uu gudoonka Baarlamaanka horey ugu dajiyey Xildhibaannada in Xildhibaan walba mudada fasaxa uu Baarlamaanka ku jiro uu aado gobolkiisa si uu warbixin dhameystiran u keenno marka uu furmo kala fadhiga Labaad ee Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulanka ayaa aad u ammaanay Hormarka Xildhibaannada ku maqan gobollada Dalka sameeynayaan waxaana uu gudoomiyaha ku guubaabiyey Mudaneyaasha Baarlamaanka iney sii wadaan kulammada xog wareysiga ah ee ay la yeelanayaan dadka deegaanka ayadoo ugu dambeynna uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Alle uga baryey Xildhibaannada gobollada ku maqan in socdaalkooda ay si nabad ah kusoo dhameystaan.

—-DHAMAAD—–

Xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online