Halgamaa Ladane oo ka mid ahaan jiray Ururkii SYL oo ku geeriyooday degmada Carmo

February 13, 2013 - Written by

halgameCarmo:-Halgamaa Maxamed Saalax Ladane oo ahaan jiray xoghayihii ururkii SYL ayaa saaka ku geeriyooday degmada Carmo ee gobolka Bari. Alaha u naxariistee halgamaa Ladane waxaa uu kaalin weyn ka soo qaatay   gobanimadonkii dalka waxaana uu ahaa xoghayaha  ururkii SYL.

Marxuumka Halgamaa Maxamed Saalax Ladane ayaa ku dhashay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose sanadkii 1914-kii.waxaana uu ifka kaga tagay  10 caruura oo isugu jira 7-gabdhood iyo 3-wiil, waxaana uu deganaa Degmada Carmo  gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa maanta  tacsi u direy eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Alaha u naxariistee Ladane Saalax  oo ka mida ahaa Halgamayaashii Xoriyada Somalia waxaana uu yiri ”Aniga oo ku hadlaya Afkayga ,kan dowladda iyo shacabka reer Puntland waxaan halkan uga tacsiyeynayaa intii uu ka tagay Marxuum Ladane Saalax oo ahaa halgamaa Soomaliyeed”

Madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuumka Ladane in uu Jandiisa Fardowso ka waraabiyo samir iyo imaan ka siiyo eheladiisa.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online