Jaaliyadda Puntland ee dalka Finland oo ka tacsiyeyneysa geeridii Sh.C/qaadir Nuur Faarax

February 21, 2013 - Written by

Inaanlilaahi waa inaa ileyhi raajicuun! Jaaliyada Puntland ee kunool dalka Finland ayaa tacsi tiiraanyo leh udireysa dhamaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaali yeed ee ka kooban culimada, ganacsatada iyo hogaamiyaasha dhaqanka, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh C/qaadir oo gacan ka xaq daran ey ku dishay magaalada Garoowe 15.2.2013.

Waxaan Sheekh C/qaadir Ilaahay uga baryeynaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo qabrigiisana Alle u nuuriyo, asxabtiisa, ehelkiisa iyo qoyskiina samir iyo iimaan Allah ka wada siiyo. Aamiin. Waxaan dhaleeceyneynaa kuwii ka danbeeyay falkaas foosha xun iyo kuwa ka horeeyay oo la mid ahaa sidii falkii lagu dilay Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan Dec 2011 magaalada Boosaaso, waxaan leenahay kuwa fitnada iyo dhibkaas ku haya shacabka soomaaliyeed Allah ka qabto melwala oo ey joogaan, waxeyna mutaysen doonta cuqubo iyo ciqaabta Alle if iyo aakhiro.

Waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka iyo maamulka Puntland iney xil iska saaraan sidii dhacdooyinkan looga tashan lahaa maadaama ey masuuliyad naga saaran tahay inaan badbaadino oo dhowrno dadkeena birmageydada ah oo umada indhahooda ah, maamulkana ey masuuliyad gaar ah ka saaran tahay. Waxaan dowladda Puntland ugu baaqeynaa iney guddi ka kooban qeybaha kala duwan bulshada ubixiso dhacdooyinka oo ah kuwa si isdaba joog ah usoo laalaabtay, markalena waxaan ka codsaneynaa shacabka iyo maamulkaba in culimada waaweyn iyo dadka indhaha bulshada u ah amaankooda laga taxadiro.

Wabilaahi towfiiq!

Jaaliyada Puntland ee dalka Finland

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online