Janaasadii Sheekh C/qaadir : Duruus dhuuxitaan Mudan W/Q Sheekh Abu Xasaan

February 17, 2013 - Written by

XasaanQadarka ilaahay iima suura galin inaan maanta joogo goobtii lagu aasay alle ha u naxariistee sheekh C/qaadir nuur faarax oo shalay casarkii isaga oo salaadda ku jira lagu dilay masjidka badar ee magaalada garoowe oo aan wax badan ka fogeyn sheekh gurigiisa, wax badan baan sheekha masjidkaas kula tukaday gurigiisana ku booqday alle ha u naxariistee.

Xanuunka iyo nabarka ay ii gaysatay geerida sheekhu waxaan iiga xanuun iyo tiiraanyo yareyn inaan ka maqnaa janaasadiisii maanta, oo aana fursad u helin inaan wax kaga tukado iilkana wax ka dhigo, ilaahayse waxaan ka baryayaa inuu isugu kaayo geeyo jannadiisa waasica ah.

Ma joogin goobta janaasada iyo magaalada garoowe midna waxaanse ilaa shalay la lahaa xidhiidh joogto ah oo mararka qaar gaadhsiisnaa dhowrkii daqiiqaba inaan ka war qaato sida wax u socdaan,hadaladdii laga jeedinayay maanta madasha janaasada qaarkoodna taleefoon ayaan ku dhegeystay culeys iyo xanuun badan ayeyna I badeen, dadka goobta joogay ee ku samrayna waxaan dheeraa inaan maqane jooga ahaa.

Janaasada sheekha alle ha u naxariistee waxaan ka faa’iideystay duruus badan oo wax ku ool ah oo mudan in la diiwaan galiyo si loo loo tilmaansado, duruustaasna waxaa ka mid ah:

Sheekha aaskiisii waxaa isgu yimid kha’aaliq aan tiradooda la soo koobi karin oo ka kala yimid dhulalka soomaalidu dagto inta badan, oo isugu jira culimo iyo caamo , madax iyo dad caadi ah, rag iyo dumar oo buux dhaafiyay agagaarka qubuurihii sheekha lagu aasayay, muuqaalka noocaas ahina wuxuu astaan u yahay janaasooyinka culimada ahlu sunnaha imaam axmadna ilaahay ha u naxaristee wuxuu dhihi jiray قُولُوا لأَهْلِ البِدَعِ: بَيْنَنَا وَبَيْنَكُم يَوْمَ الجنَائِزِ  .  ahlu bidaca ku dhaha waxaa inoo dhex ah ( ballan ah) maalmaha janaasooyinka.

Sidaas dareteed janaasooyinka culimada ahlu sunnaha waxaa ka soo qayb gali jiray dad mararka qaarkood malaayiin gaadhaya, halka kuwa ahlu bidacana mararka qaarkood ay soo xaadiri jireen dhowr qof.

Arrintaasna waxaa asal u ah barakada raacitaanka sunnada, taasaana u sabab ah in ilaahay caalimka dadka qalbigooda jaceyl u galiyo, halka xumaanta bidcaduna ay keeneyso in qofka bidcoolaha ah dadka quluubtooda la nacsiiyo.

Dadka ka soo qayb galay janaasada sheekha ee qaarkood diyaaradaha ku yimaaddeen ma jirin mid cidi kharash ka soo bixisay ama ku soo khasabtay, sidoo kale ma jirin cid ka shaqeysay in ay dadka ku qanciso in ay ka soo qayb galaan janaasada sheekha, taasina waxay daliil cad u tahay sida sheekhu qalbiga ummadda ugu weynaa yar iyo weynba.

Dadka intii ayna u suura galin in ay janaasada sheekha iyo aaskiisa ka qayb galaan waxay janaasadiisa kaga tukadeen ugana duceeyeen goobihii ay joogeen dibad iyo gudeba,dadkaas sheekha ku tukanaya ee u duceynayana waxay ku barteen khayr iyo wanaag uu waligiisba u taagnaa, waxaana ka mid ah ardadiisii iyo culimadiisii qaarkood oo uu ka mid yahay sheekh C/laahi cumar nuur oo aan anigu geerida sheekha taleefanka ugu sheegay isaga oo godey jooga wuxuuna sheekhu ka shaqeeyay in maanta janaaso qaa’ib ah ( maqan)  lagaga tukago masjidka jaamica ah ee magaalada godey, arrintaasina waxay sidoo kale daliil u tahay qabuulka ilaahay sheekha dadka dhexdiisa u dhigay.

janaasada sheekhu waxay isu keentay dad badan oo aan muddo is arag ama aan is aqooninba,dadka qaarkoodna waxaaba laga yaabaa in deegaanka sheekha lagu aasayay uu ku cusbaa oo ayna waligood arag, arrintaasina waxay daliil u tahay in culimadu ummadda qiime weyn ugu fadhiyaan ayna yihiin xadhigga umadda isu haya ee haddii la gooyo ummaddu kala go’eyso.

janaasada sheekhu waxay isu furtay xuduudo kala xidhnaa waxaana garoowe ku soo qululay cir iyo dhulba dad ka imanaya deegoonno ay ka jiraan maamullo siyaasadeed oo haddii la doono xurgufi ka dhexeyso maamulka puntland, arrintaasina waxay daliil u tahay in khilaafka umadda dhexyaalla uu yahay mid gacan ku sameys ah oo aan ku qotomin asal la cuskan karo, sidoo kale wuxuu daliil cad u yahay in culimadu umadda u dhexeeyaan oo ayna ku koobneyn deegaanka ay dacwada ka wadaan kaliya, sidoo ka le waxay daliil u tahay in saameynta culimadu ayna ku koobneyn halka ay joogaan.

janaasada sheekhu waxay soo nooleysay dareenkii walaalnimada islaamka oo ay si fiican u muujisay,maxaa yeelay waxaa janaasada sheekha ka soo qayb galay dhammaanba qaybihii iyo qabaa’ilkii bulshada soomaaliyeed ka koobneyd, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay itijaahaadkii islaamiga ahaa in badan oo ka mid ah,arrintasina waxay sii adkeyneysaa in xidhiidhka ku qotoma walaalnimada islaamka uu yahay mid ku lammaansan iimaanka oo aan suuleyneyn ama sal guureynin ilaa iimaanku baabo’o.

Geerida sheekhu waxay damaqday dhammaanba umadda soomaaliyeed meel ay joogtaba, dadka janaasada isugu yimidna dhammaantood xanun ay la adkeysan waayeen uunbaa soo kiciyay, taasina waxay daliil u yahay in culimadu yihiin wadnihii umadda iyo dareensidii ay wadaagtay, dhaawaca iyo xanunka soo gaadhana uu umadda wada saameynayo.

Ilaahay sheekh C/qaadir ha u naxariisto, jannadiisana ha ku abaal mariyo, hana ka aqbalo dadaalkii dheeraa ee uu ku soo bixiyay faafinta manjkii sunnada, annagana ha nagu sugo jidkaas toosan ee uu nooga tagay. aamiin

W/Q Xasan Maxamed Ibraahim
(Abu Xasaaan)

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc sheikh abuu xasaan baaraka laahu fiika aad
    Ayaan ula dhacay qoraaladaada sida matukade oo dilay
    Sheikh tukanaaye sheikh Abdulkadir waxaa dilay
    Waa dad kafog islaamka aan la oran karin waa islaam
    Waxaan sheikha ilaahay oga baryaynaa
    Inuu shahaadadiisa u aqbalo janatul firdoosana galiyo
    Aamiin aamiin

  2. Jazaakallaah akhuunaa Sheekh Abuu Xassaan, waxaa dhaba inay meel hali iyo halbowle ah ilaahay ha jaree.Waxaan kaala mid ahay maqnaanta goobta oo aanan joogin bal niyada ayaan kala socday oo su’aashaydu ayaantaanba waxay ahay qofkaan diin ku tuhmayo arinkii dilka sheekha anoo waliba wadan gaalo jooga. Maqaalkaagaan waxaa iiga muuqata bishaaro badan oo ay ka mid tahay isu soo dhawaanshaha mujtamaca iyo ukhuwada Islaamka.

Leave a comment

*