Khudbadihii Masaajidda Salaadaha Jimcaha gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisa oo looga hadlay dilkii Sh C/qaadir Nuur

February 22, 2013 - Written by

masjidGaroowe:-Waxaa maanta Khudbadii Jimcaha ee inta badan Masaajidada Deegaanada Puntland iyo S/land looga hadlay dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah waxaaana looga duceeyey Sheekha iyada oo habaar lagu riday kooxda Al-shabaab ee soo maleegtay dilka Sh.C/qaadir Nuur Farax. Magaalooyinka waaweyn ee S/land iyo Puntland ayaa maanta waxay ahaayeen kuwa si xooggan looga hadlay Dhagarta iyo Shirqoolka kooxda Al-Shabaab waxaana ay culumada sidoo kale u duceeyeen culumadii iyo dhamaan dadkii ay laayeen kooxda Al-shabaab.

Waxaa kale oo laga bilaabay maanta masaajidka magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo S/land Qunuud waxaana uu socon doonaa qunuudkaas mudo bil ah . Waxaa sidaas si la mid ah maanta khudbadihii laga jeediyey dhamaan Maraakizta ay leeyihii Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee wadamada Yurub, Afrika ,Mareykanka ,iyo Usturaaliya looga hadlay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax .

Halgan.net
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online