Khudbadii Masjidka Al-Hidaaya oo looga hadlay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax(Dhageyso)

February 22, 2013 - Written by

imaam_YaxyeNairobi:-Waxaa maanta Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-Hidaaya  ee magaalada Nairobi looga hadlay dilkii foosha xumaa ee  lagula kacay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee waxaana khudbada maanta ka jeediyey Masjidka Al-Hidaaya Imaamnka Masjidka Sheekh Yaxye Cabdi Saciid.

mastiSheekh Yaxye Saciid ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada inxiraafka halka uu marayo ilaa la gaaray in Masjid gudihii lagu dilo culumada iyaga oo rukuucsan oo ku jira salaad waxaana uu sheegay in Sheekh C/qaadir Nuur in ay dileen Ururka Al-Shabaab kuwaas oo dhaqan iyo jihaad ka dhigtay leynta culumada iyo haldoonka umada Soomaaliyeed .

Imaamka Masjidka  Masjidka Al-Hidaaya  ee magaalada Nairobi Sheekh Yaxye Cabdi Saciid ayaa umada uga digay dilalka qorsheysan ee Al-Shabaab ku gumaadeen umada Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso  Khudbadii Jimacaha ee Masjidka Al-Hidaaya Sheekh Yaxye Cabdi Saciid.

 

Yaasiin Cabdi Ahmed
Halgan.net

7 Comments so far

Leave a comment

  1. asc rabiyow noo daa ducaada somali oodhan dadka culumada dilanayana rabiyow ka xafid aamin oo cimri dheer sii iyo caafimaad qab aamin

  2. waxaan ilaahay naxariis uga baryayaa Sheekh cabdiqaadir nuur faarax ku wa dilayna naar ilaahay ha ku fogeeyo aduunyadana ha duleeyo

  3. baaraka laahu fiika ilaah hakaa abaal mari shayaadiintana alaha umada ka qabto sheeq c/qaadir nuur faarax ilaahay haugu raaxeeyo janatul firdawsal aclaa aamin aamiin

  4. Shalay waa digturkii maanta waa Sheekh C/qaadir Bari yaan sugnaa waa midlamidah

  5. Inaa lihaahi wainaa ilihi raajicuun
    Hada waxba tarimaayo waxqabad ayaa loo baahanyahay hadii kale midba maali ayuu kawaanka saaranyahay idinkuna waad ku culima laadihiin

  6. Insha allah waan sugeynaa qudbadii sheikh yahya abdi said.

  7. Ilaah Naarta ha ku fogeeyo kii dilay, wixii soo abaabulay iyo wixii taageero noockata ha ahaatee ka gaystay dilka sheeka.

Leave a comment

*