Koox hubeysan oo weerartay maqaaxida Chum Fry oo ku taal magaalada Gaarisa

February 7, 2013 - Written by

garisa1-Gaarisa:-Koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa saaka weerar ku qaaday maqaaxida  Chum Fry oo ku taala magaalada Gaarisa waxaana weerarkaas uu dhaliyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana goobta ku dhintay hal qof halka mid kale  uu ku dhaawacmay.

Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa uu ku dhow yahay xarunta Kenya Commercial Bank .dilka ka dib ayaa waxaa goobta ka baxsaday kooxda dilka fulisay waxaana goobta soo gaaray ciidmada amaanka ee magaalada Gaarisa.

Warar hordhac ah oo la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in ninka dhintay uu ahaa Soomaali ka ridoobay diinta Islaamka caana ka ahaa magaalada Gaarisa halka ninka kale ee fadhiyey Maqaaxida aan la aqoon wuxuu yahay.

Magaalada Gaarisa ayaa waxaa ku soo badanaya weerarada  iyo dilalka gaadmada ah tan iyo markii ay ciidanka dowladda Kenya ay gudaha u gashey Koonfurta Soomaaliya sanadkii 2011  iyada oo la wareegtay deegaano ka tirsan gobalada J/hoose iyo Gedo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online