Ma tukade Sheekh tukanaya dilay!W/Q Xasan Maxamed Ibraahim Abu Xasaan

February 19, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Alle ha u  naxariistee sheekh C/qaadir nuur faarax waxaa la dilay isaga oo salaadii casar ku jira galab jimcaad,sheekhu wuxuu dhashay 1940kii da’ ahaanna wuxuu iray qiyaastii 72 sano, muuqaal ahaan waligiisba aad buu u tabar darnaa qofkii  yaqaanna wuxuu ogyahay inay yareyd inuu xanuun moogaado, wuxuu qabay gaas ilaa yaraantiisii la socday, wuxuu sidoo kale qabay neef aad u adag,Waxaa intaas u sii dheereyd sheekh C/qaadir ma moogeyn inuu yahay yool la beegsanayo oo xabbad lala gaadayo sida uu horeyba uga sheegay qabrigii diktoor axmad ilaahay labadoodaba ha u naxariistee.

Intaas oo dhan sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee caadadii cibaado ee uu lahaa kama ayna reebin kumana ayna keenin inuu ka wahsado salaadda jamaacada, sidii dadkii wanwanaagsanaa ee hore lagu yaqanayna wuxuu dhibsanayay in uu jamaacada ka habsaamo isaga oo aadaanka maqlaya.

Ninka dilay sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee ma aheyn nin masjidka salaad u soo galay! Wuxuuse ahaa nin ayna salaadda iyo jamaacadu qiime ugu fadhiyin aadaan iyo aqimna aan dan ka laheyn, wuxuu u soo galay inuu nin tukanaya salaadda ku dhex dilo!dhiiggiisa iyo maskaxdiisana masjidka ku dhex daadiyo.

Sida muuqaalka gacan ku dhiiglaha sheekha dilay ka muuqata waa nin da’ yar oo caafimaadka uu haysto dartii isku dayay inuu dadka oo dhan orod kaga baxsado, laakiin haddana xooggaas iyo caafimaadkaasi kuma qaadin inuu aadaanka dhageysto salaaddana u dadaalo si uu sida sheekha safka hore u galo!

Dadka qaar ayay la aheyd in gacan ku dhiiglayaasha shabaabka ah ee noocan oo kale ahi ay khayr doon yihiin ama janno u hillaaceyso, dhacdadan iyo kuwa la midka ee masaajidda gudohooda ama agagaarkooda al shabaab ka sameeyaanse waxay daliil cad u yihiin inaan meesha janno iyo khayr doon midna ku jirin.

Maxaa yeelay ninka janno ama khayr doonayaa jamaacada kama habsaamo salaadduna lama qiime yaraato dadka dadaalka badan ayeyna safafka hore isugu yimaadaan, isaga oo aadaanka maqlayana wax kale kuma mashuulo, iska daa inuu masjika albaabadiisa jidgooyo dhigto oo uu dadka salaadda u socda ku laayee!.

Ninka dadka tukanaya laynaya ee aan isagu masjidka salaad u soo aadin ee haddana dadka ugu sheekaynaya hebal diin la’aan ama gaalnimo ayaan u dilay ma cid isaga ka diin xunbuu tolow ogyahay! Wuxuu isku darsaday inuusan jamaacada la tukaneynin iyo inuu intii tukaneysay laynayo, dadkiina uu sabab ugu noqday in ay masaajidda ka go’aan, sow isagu la nooc ma ah kuwii ilaahay yidhi: أَرَأَيْتَ الَّذِي يَنْهَى (9) عَبْدًا إِذَا صَلَّى

Haddii ninka dadka tukanaya laynayaa uu janno doon yahay naar ka cararna yahay sow ma ahaateen bal inuu marka hore salaadda  dadka uu laynayo ay ku dadaalayaan uu ku dadaalo, ka dibna uu muslinka dhiiggiisa iska daayo ileyn naar baa lagu galaaye.

Dhab ahaan dadka adeejinaya wiilasha yaryar ee culimada masaajidda ku leynaya way ogyihiin inaan sidaas janno iyo khayr lagu helynin, waxeyse fulinayaan qorsheyaal lid ku ah diinta iyo dadkeeda, salaadda iyo masaajiddiba oo u adeegaya dad arrintaas dani ugu jirto oo ay iyagu shaqaale u yihiin, yaryarkan ay adeegsanayaanna aakhiro doon kulama socdaan ee  sandareeto aan badneyn iyo cabsiin iyo cago jugleyn ay u weheliso in ay jaahiliin yihiin ayay kula socdaan.

W/Q Xasan Maxamed Ibraahim
(Abu Xasaan)

5 Comments so far

Leave a comment

  1. waa mahadsanyahay runtu ka hadlay dadka fiicnaa waa dhamaadeen illaha ha u naxiisto dad badn baa ka hary in aay raacan noocaan o kale wadaadka in in la dilon iska dhaafe qoriyar in lagu xaga xaq uma klahyn waxaana weeyan dadka malayno in dil;ka qof muslim ah janao kuraadsanyo waxaas waa jga tagay maantya runtii lahaya waa la arkay wax walba dadka dad layno waa dad dhunsan ninka qoray waa nin caqli ku danbeeyo saan anigu aaminsanay

  2. Al-shabab Sheekha waa shuhada bay dhaheen, alyacni janada wuu galayaa, kan diley iyo kuwa soo direyna waa mujaahidiin oo ayaguna janada wey galayaan bay ku dareen, alyacni wax danbi ah ma dhacin!

  3. As Wr Wb. Bacda salaan sheekh ilaahay khaybadan ha kusiiyo sidaad u daalaysidna hakaa ilaaliyo wax magaradaka loo soo diray in ay laayaan Culumada.Anigu markastaba waxaan jeclahay in aan akhriyo waxaad soo qortid waxaana kuu sheegayaa in aad haysid shaqo aad iyo aad uway. Wc Wr Wb.

  4. Xassan yare, ilaahay adiga iyo inta noo hadhay ha noo kiin xifdiyo, runtii qoraalkaad ka samaysay dilkii ashahiid (Bi idnillaah) Dr Axmed wuxuu ahaa mid saadaal cilmiyeysan iyo daraasad mug weyn ka bixiyey yoolka iyo ahdaafta ay dhiig-muslin-cabbayaashani beegsanayaan, walaal,miisaanka aad agtanada ku leedihiin darteed, fadlan is ilaaliya allaha idin ilaaliyee,

    Abu Dalxa

  5. Qoraal qiimo badan ….Ajar Allah SWT ha ka siiyo Xasan M Ibrahim

Leave a comment

*