Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa gaaray Qaahira

February 5, 2013 - Written by

DSC_9442Qaahira:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa ka soo degay gegida dayuuradaha ee Qaahira si ay uga qeyb-galaan shirka Ururka Islaamka (OIC) kasoo ay kasoo qeyb galayaan 59 dowladdood.

R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal, La taliyaha Madaxeynaha ee xagga Amniga Qaranka Mudane C/Raxman Sh. Ciise iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Kamal Dahir. Xassan Guutaale ayaa Madaxweynaha kala qeyb galayo Shirka OIC .

Shirkaan ayaa waxaa xoogga lagu saari doonaa dhibaatooyinka ka taagan dalalka Islaamka. Waxaana si gooni ah looga hadli doonaa dhibaatooyinka ka taagan dalalka Soomaaliya, Mali, Sudan iyo Suuriya.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa waxaa ka go’an sidii dalka Soomaaliya xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa dalalka caalamka. Sida aad la socotaan Madaxweynaha ayaa  horay ula kulmay Madaxda dalal kala duwan si loo soo celiyo heshiisyadii ay Soomaaliya la laheyd dalalkaas.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Villa, Somalia, Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online