Madaxweynaha JFS oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar

February 8, 2013 - Written by

DSC_0159Qaahira:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ah u joogao magaaladda Qaahira ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar.

R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan, Marwadda Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar, iyo Wasiirul dowalaha Arimiha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Nour Gacal ayaa ka qeyb galay xafladda lagula kulmay jaaliyadda.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda ku wargeliyay in Soomaaliaya ay hadda dib ugu soo noqoneyso wadaddii toosneyd, loogana baahan-yahay in jaaliyadda dibadda ay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha cusub ee ay dowladda ku damacsantahay in ay dalka xasilooni ugu soo celiso, kaas oo ku xusan qoraalka “Lixda Tiir Siyaasadeed” ee dowladda, amniga iyo cadaaladda ay hormuud ka yihiin.

no images were found

Maalmo ka hor ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la kulmay jaaliyadda London, sidoo kalena kula dar-daarmay in ay dalka maal-gelin ku sameeyaan. Waxaa mudan in la xuso in kumanaan muwaadiniin oo Soomaali ah ay dib ugu soo laabanayaan dalka Soomaaliya tan iyo bilihii lasoo dhaafay.

Communication Office

Office of the Somali President

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online