Madaxweynaha Puntland oo tacsi u diray eheladii Suldaan Muuse Faarax Muuse (Dhageyso)

February 2, 2013 - Written by

FAROOLEGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa tacsi u diray eheladii uu ka dhashay Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ka mid ahaa Isimada sida weyn looga qadariyo deegaanada Puntland waxaana uu ugu baaqay eheladii Suldaan Muuse Faarax Muuse iyo beesha uu ka soo jeedo in ay muujiyaan sabar iyo dulqaad.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay jiraan kooxo abaabulan oo dilal ka geystay deegaanada Puntland ka dibna isku dhufta beelaha wada dega Puntland wuxuuna ugu baaqay beesha Suldaan Muuse Faarax Muuse in ay ka foojignaadaan majarhabaaninta iyo wararka beenta ah ee suuqa lagu faafiyo qabiil hebal baa dilay iyo wixii la mid ah.

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo iyo baaritaan waxaana uu ugu baaqay ehelada Suldaan Muuse Faarax Muuse in laga war sugo ciidamada amaanka .

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole oo tacsi u diray ehelada Suldaan Muuse Faarax Muuse

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/y23glhea96/faroole-tacsi-muuse-onkod.mp3″]

M_M Deeq
Halgan.net
Isha maqalka SBC

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online