Masaajidda iyo Maraakista dalka Danmark oo ka tacsiyeeyey dilkii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax

February 17, 2013 - Written by

tacsiDhammaan masaajidda,Maraakizta ,Culimada, ducaada ,haweenka iyo waxgarad ka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark waxay tacsi murugo leh u dirayaan ehladii iyo qaraabadii,asxaabtii iyo ardaydii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo gacan ka xaqdaran ay ku dishay magaalada Garoowe xili uu ku guda jiray Salaadii Casar.
Waxaan ilaahay uga baryeynaan inuu umadda Soomaliyeed oo dhan sabar iyo iimana uu ka siiyo Sheekh Cabadulqaadir Nuur Farax iyo culimadii kaleba, Jannatul firdawsa al-aclaana ku arzuqo  aamiin. Waxaan shaki ku jirin in ay sabab u tahay dilka sheekha iyo culimadii ka horeysayba afkaarta gaalaysiinta ah ee lagu banaysanayo dhiigga iyo sharafka culimada dalka Soomaaliyeed Waxaan uga digaynaa dhamaan da.yarta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba in aan loo adeegsan dilalka qorshaysan ee aan diinta islaamka sal iyo raadtoona ku lahayn.

Waxaa ugu baaqaynaa Culimada dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba in ay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka afkaarta iyo manhajka qaloocan ee keenay laynta culimada una caddeeeyaan shacabka Soomaliyeed xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.

Ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan umadda soomaalyeed inay si dhaba isaga kaashadaan ka hortaga aafadan waddankeen ku habsatay iyagoo garab is taagaya culimadooda iyo waxgaradka kale duwan ee ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed.

Gudiga guud ee dacwada
Wadanka Denmarka oo marki lasoo gaabiyo looyaqaano
Email.gudigad1@hotmail.com

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online